Al-Shabaab ''Saraakiil Ayaan Ka Dilnay Qaraxii Baladweyne

2012-01-24

Dagaalyahanadda Xarakadda Al-Shabaab Al-Mujaahidiin ayaa Sheegay innay Qaraxii Magaaladda Baladweyne ku dileen Askar iyo Saraakiil Ethiopi-yaan ah.

Afhayeenka Milateriga Al-Shabaab Abuu Muscab ayaa Sheegay innay Qaraxii Baladweyne ku dileen 40-Askari ayna dhaawaceen 80-kale oo ay ku jiraan Saraakiil Ethiopi-yaan.

Abuu Muscab ayaa intaasi ku daray in Saraakiisha ay dileen ay isugu jireen Soomaali iyo Ethiopi-yaan ku sugnaa Xarunta uu Qaraxu ka dhacay.

Ugu dambeyntii Hadalka Afhayeenka Milateriga Al-Shabaab ayaa imaanaya xilli Maanta Qarax Ismiidaamin ah uu ka dhacay Magaaladda Baladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan.

WaryaTv Muqdisho-Somalia

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com