Cemil Cicek Oo Casumaad Ka Diiday Xukumadda Israel
2012-01-25
Afhayeenka Baarlamaanka Turki-ga ayaa si Cad u diiday Warqad Casumaad ah oo uga timid Xukumadda Tel Aviv,sida uu ku Waramay Taleefishinka Press TV.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Israa'iil Reuven Rivlin ayaa Waraaq Casumaad gaarsiiyay dhigiisa Turkiga Cemil Cicek Salaasaddii.
Cemil Cicek Gudoomiyaha Baarlamaanka Turki-ga ayaa Waraaq Xambaarsan Diid dib ugu celiyay Reuven Rivlin.
Xiriirka Dalalka Israa'iil iyo Turki-ga ayaa Xumaaday markii 2010-kii Ciidamadda bada Is'raa'iil ay dileen 9-Turkish ah oo saarnaa Markab gar-gaar u waday Falastiin.
Ugu dambeyntii Weerarkaas ayaa waxaa uu dhacay May 31, 2010-kii,waxaana ku Nafwaayay Dad Shicib ah 50-kalana Dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray.
WaryaTv Muqdisho-Somalia









