Sheikh Shariif ''Muqdisho Waa Nabad Waa La Imaan Karaa

2012-01-25

Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa Sheegay in xilligaan Magaaladda Muqdisho ay ka jirto Nabad la isku haleyn karo.

Sheikh Shariif ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay innay yimaadaan Muqdisho oo haatan nabad ah uuna ka soconayo Horumar muuqda.

Madaxweyne Shariif ayaa Hadalkaan ka jeediyay Munaasabad lagu furayay Xafiiska Qaramadda Midoowbay u qaabilsan Siyaasadda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Ciidamo Nabad-ilaalineed oo ka kala socda Dalalka Uganda,Brundi iyo Jabuuti.

WaryaTv Muqdisho-Somalia

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com