Diyaarado Dagaal Oo La Wareegay Garoom Gaalkacyo

2012-01-25

Diyaarado Dagaal ayaa Xalay buux dhaafiyay Garoon-ka Diyaaradaha Magaaladda gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug,sida ay innoo xaqiijiyeen Dad goob joogayaal ahi.

Diyaaradahaan oo isugu jira Miigag iyo kuwa Qumaatiga u kaca ayaa wali ku sugan Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Gaalkacyo,waxaana ilaa hadda aan la ogeyn Dalalka laga leeyahay.

Mas'uuliyiinta Gobalka Mudug ayaa ka gaabsaday innay tafaasiil ka bixiyaan Diyaaradahaas Garoonka Gaalkacyo ku sugan oo ay Saaka aad u hadal hayaan Shacabku.

Magaaladda Gaalkacyo ayaa waxaa ka kala arrimiya Maamulada Puntland iyo Gal-mudug oo Ciidamadoodu ku kala suganyihiin Waqooyiga iyo Koonfurta.

Diyaarado kuwaan la mid ah ayaa Xalay ka degay Magaaladda Baladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan,kuwaasoo daabulayay Dhaawacyaddii Ciidamadda Ethiopi-yaanka ahaa ee Shalay la Weeraray.

WaryaTv Muqdisho-Somalia

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com