Maraykanka B/badeed Xoog Uga Furtay 2-Ajaanib Ah !!
2012-01-25
Ciidamadda Dagaalka Maraykanka oo howl-galo ka sameeyay Degmadda Hobyo ee Gobalka Mudug ayaa xoog ku soo furtay 2-Ajaanib ah oo mudo ay Kooxo Burcad-badeed Soomaali ahi afduub u haysteen.
Diyaaradaha Dagaalka Maraykanka ayaa howl-galkaan fuliyay iyagoo adeegsanaya Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Gaalkacyo.
Howl-galka ayaa la Sheegay in lagu dilay 5 ka mid ah Kooxihii Burcad-badeeda ahaa ee gacanta ku hayay 2-Ruux ee Ajaanibta ah.
Ugu dambeyntii Burcad-badeeda ayaa 2-Ruux ee Ajaanibta ah oo u Shaqaynayay Hay'adda DBG ka afduubtay Koonfurta Magaaladda Gaalkacyo.
WaryaTv Muqdisho-Somalia









