Meydad Tahriibayaal Soomaaliya Oo Laga Helay Liibiya
2012-01-25
Meydadka 16-Ruux oo Soomaaliya ayaa laga helay Magaaladda Mistrada ee Dalka Liibiya,sida ay innoo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ahi.
Dadkaan Meydadkooda la helay ayaa ka mid ah 55-Ruux ayaa dhawaan Dooni ugu Tahriibayay Dalka Talyaaniga.
Doonida ay Dadkaan saarnaayeen ayaa ka mid aheyd 3-Doonyood oo Asbuuc ka hor ka baxay Dalka Liibiya.
2 ka mid ah Doonyahaas waa la badbaadiyay midii ay saarnaayeen Dadkaan geeryoodayna waxaa lagu la'aa Nolol iyo Geeri.
Meydadka la helay ayaa isugu jiray 6-Ragga,3-Haweena iyo Cunug yar,sida ay ku soo Waramayaan Soomaalidda halkaasi ku sugan.
WaryaTv Muqdisho-Somalia









