Dab Xoogan Oo Xalay Ka Kacay Suuq Xamar Weyne
2012-01-26
Dab Xoogan ayaa Xalay ka kacay Suuqa Xamar Weyne ee Gobalka Banaadir,waxaana Faa-faahin ka bixiyay Gudoomiye ku xigeenka Gobalkaasi ee Arrimaha Amniga Warsame Joodax.
Warsame Joodax ayaa Sheegay In Dabku uu ka kacay Suuqa Kawaanka Hillibka,Qudaarta iyo Dahablaha uuna gaystay Khasaare Hantiyeed.
Dabkaan oo aad u Xooganaa ayaa demintiisa waxaa ka qeyb qaatay Ciidamadda AMISOM,Dabdeminta Xamar weyne iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Ugu dambeyntii Dadka ka kacaya Suuqyadda Magaaladda Muqdisho oo soo noq noqda ayaa hadana gaysta Khasaare Hantiyeed oo baaxad leh.
WaryaTv Muqdisho-Somalia









