Al-Shabaab Oo Xambaareeyay Xafiiska QM Ee Muqdisho
2012-01-26
Saraakiisha Xarakadda AL-Shabaab Al-Mujaahidiin ayaa ka hadlay Xafiiska Qaramadda Midoobay ay ka furatay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed laga soo saareen AL-Shabaab ayaa lagu Sheegay in Xafiiska Qaramadda Midoobay ee Muqdisho laga furay uu yahay mid lagu sii daba dheeraynayo Colaadda ka jira Soomaaliya.
Waxaa lagu xusay in UNPOS ay muddo dadaal ugu jirtay joojinta Gaarsiinta Diinta Shacabka Soomaaliyeed haatan Xafiiska Cusub lagu kala dilayo Shacabka Muslimiinta ah.
War-saxaafadeedka ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaya in ay si cad uga soo horjeestaan Xafiiskaan Qaramadda Midoobay Muqdisho ka furanayso.
WaryaTv Muqdisho-Somalia









