3-Dhimasho 33-Dhaawac Qarax Ka Dhacay Dalka Afghan

2012-01-26

Qarax Dhimasho iyo Dhaawac sababay ayaa goor dhaweyd ka dhacay Koonfur Gal-beed Dalka Afghanistaan,sida ay Warbaahinta Caalamka u xaqiijiyeen Dad goob joogayaal ahi.

Kolonyo Gaadiid ah oo ay la socdeen Ciidamadda Isbahaysiga NATO ee ku sugan Dalka Afghanistaan ayaa la Qarixiyay goor dhaweyd.

Qaraxa ayaa waxaa ku Nafwaayay ilaa hadda inta la hubo 3-Ruux 33-kalana Dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaartay.

Weerarkaan ayaa ka dhacay Degaanka Helmand oo dhaca Koonfur Gal-beed Dalka Afghanistaan. 

WaryaTv Muqdisho-Somalia

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com