Ciidamadda Kenya Oo Ku Boqol Jirsaday Soomaaliya !!!
Milateriga Dalka Kenya ayaa ku Boqol Maalmo jirsaday Dalka Soomaaliya oo ay gudaha u galeen 24-kii Bishii Oktoobay ee Sanadkii tagay 2011-ka.
Ciidamadda Kenya ayaa gudaha u galay Dalka Soomaaliya markii Xukumaddu ay ku dhawaaqday howl-gal ay ugu Magacdartay ''Linda Nchi'' ama ilaalinta Dalka.
Kenya ayaa Sheegtay innay gudaha Soomaaliya u galeen markii Dagaalyahanadda Al-Shabaab Afduubyo iyo Falal Amaanka ka dhan ay ka gaysteen gudaha Dalka.
Sarkaalka howl-galadda u qaabilsan Soomaaliya Cyrus Oguna ayaa Sheegay innay guulo ka gaareen Howlihii ay u galeen Dalka Soomaaliya.
Cyrus Oguna waxaa uu xusay innay Al-Shabaab kala wareegeen Degaano ku yaalla Goboladda Gedo iyo Jubbooyinka.
Ugu dambeyntii Shacabka Soomaaliyeed ayaa Sheegaya in Ciidamadda Kenya ay gudaha Dalka Soomaaliya ka gaysteen Duqeymo lagu waxyeeleeyay Dad Rayid ah.
WaryaTv Muqdisho-Somalia









