Dagaalo Xoogan Oo Ka Soconaya Duleedka M/Buhoodle

2012-01-26

 Dagaal Xoogan ayaa goor dhaweyd ka Qarxay Degaanka Sool-joog ee Duleedka Magaaladda Buhoodle,sida ay innoo xaqiijiyeen Dad goob joogayaal ahi.

Dirirta oo la isku adeegsanayo Hubka Culus noocyadiisa kala duwan ayaa u Dhexaysa Ciidamadda Somaliland iyo kuwa Maamulka Khaatumo State Of Somalia oo dhawaan halkaasi looga dhawaaqay.

Daryaanka Madaafiicda ayaa laga maqlayaa Magaaladda Buhoodle iyo Degaanadda ku xeeran waxaana Cabsi soo wajahday Dadka Degaanka.

Ugu dambeyntii Dagaalka oo Xoog u socda ayaana la ogeyn ilaa hadda Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

WaryaTv Muqdisho-Somalia

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com