Uhuru Kenyatta & Francis Muthaura Oo Is-casilay :-Sawiro
2012-01-26
Uhuru Kenyatta iyo Francis Muthaura ayaa goor dhaweyd Is-casilay,sida ay Baahiyeen Taleefishinadda iyo Idaacadaha Dalka Kenya.
Is-casilaadda Raggaan ayaa imaanaysa Maalmo ka dib markii Maxkamadda Dembiyadda Caalamiga ah ay go'aamisay in la dhagaysto Dacwadda Rag ay ku jiraan.
Raggaan ayaa lala xiriirinayaa Rabshadihii Dalka Kenya ka dhacay 2007-ddii ilaa 2008-ddii oo ka dhashay Doorashooyinkii Dhacay xilligaasi.
Rabshadahaas ayaa waxaa ku Nafwaayay Dad kor u dhaafaya 1,220 tiro intaas ka badana waxay ku kalifeen innay Guryahooda ka Qaxaan.
WaryaTv Muqdisho-Somalia









