USA Oo Ka Wal Walsan Saxafi Lagu Haysto Gaalkaco !!
2012-01-27
Xukumadda Washinton ayaa wal wal ka muujisay Muwaadin Ameerikaan ah oo Afduub Kooxo Hubaysani ugu haystaan Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.
Afyaheen u Hadashay Dowladda Maraykanka oo lagu Magacaabo Victoria Nuland ayaa Sheegtay innay ka murugaysanyihiin Saxafi Afduub loogu haysto Magaaladda Gaalkacyo.
Kooxo Burcad-badeed Soomaaliya ayaa Maalmo ka hor Koonfurta Magaaladda Gaalkacyo Afduub ugu gaystay saxafi lagu Magacaabo Michael Scott Moore.
Burcad-badeeda Afduubka u haysata Ninkaasi ayaa ku hanjabay innay isla dhimanayaan haddii uu Weerar uga yimaado Ciidamadda Mariiniska.
Ugu dambeyntii Ciidamadda Maraykanka ayaa Maalmo ka hor xoog ku soo furtay Shaqaale ay AFduub mudo ugu haysteen Gobalka Mudug.
WaryaTv Muqdisho-Somalia









