Cali Dheere ''Kenya Dharbaaxo Kulul Ayay La Kullantay!!
2012-01-27
Afhayeenka Xarakadda Al-Shabaab Al-Mujaahidiin ayaa ka hadlay howl-galadda Ciidamadda Dalka Kenya ay ka wadaan gudaha Dalka Soomaaliya.
Sheikh Cali Dheere waxaa uu Sheegay innay jabweyn la kulmeen Milateriga Kenya ee gudaha Dalka Soomaaliya soo galay Bishoo Oktoobar ee Sanadkii tegay.
Afhayeenka Al-Shabaab ayaa xusay innay Dharbaaxo Kullul la kulmeen Ciidamadda Kenya ee ku sugan Dalka Soomaaliya.
Cali Dheere waxaa uu intaa ku daray in Ciidamadda Kenya ay haatan ku go'doonsanyihiin Degaano dhaca Goboladda Gedo iyo Jubooyinka oo isu gudbi la'ayihiin.
Ugu dambeyntii Hadalka Afhayeenka AL-Shabaab ayaa imaanaya xilli Ciidamadda Kenya ay 101-Maalmood ay ku suganyihiin Dalka Soomaaliya.
WaryaTv Muqdisho-Somalia









