Xildhibaan Ka Tirsan Puntland Oo Lagu Dilay Baar-gaal
2012-01-28
ALLE ha u naxariistee Bile Maxamed Yuusuf oo ka tirsanaa Xildhibaanadda Maamul Goboleedka Puntland ayaa Xalay lagu dilay Degmadda Baar-gaal ee Gobalka Bari.
Xildhibaanka ayaa la tilmaamay innuu ku geeryooday is rasaasayn dhex martay ilaaladiisa iyo Kooxo Hubaysnaa.
Degmadda Baar-gaal ayaa waxaa ka Arrimiya Maamulka Raascaseyr State oo ah Maamul dhawaan ku dhawaaqay innuu ka goostay Maamulka Puntland.
WaryaTv Muqdisho-Somalia









