Ma Dhabaa In Ingiriisku Soo Canaantay Madaxweyne Rayaale?

Source: geeska.net
2009-06-28
Hargeysa(Waryatv.com) -Dawladda Ingiriiska, ayaa la sheegay inay Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, u soo dirtay qoraal canaan ah oo la xidhiidha arrimaha doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadda.

 

 Xisbiyadda mucaaradka ah iyo Xukuumadda Somaliland ayaan illaa hadda heshiis ka gaadhin qaar ka mid ah shuruudo fure u ah dhaqaalaha deeqbixiyayaashu ku taageerayaan doorashooyinka Somaliland, Islamarkaana dawladda Ingiriiska ayaa la sheegay in ay Madaxweyne Rayaale u soo dirtay  qoraal canaan ah oo ay ku muujinayaan walaaca laga qabo in mar kale xukuumadiisu horseedo dib u dhac ku yimaada doorashadda.Warar Wargeyska Geeska Afrika ka helay ilo dumlamaasiyadeed ayaa tibaaxay in Safiirka Ingiriiska u fadhiya dalka Itoobiya Norman Link oo todobaadkii aynu soo dhaafnay socdaal laba maalmood qaatay ku yimid Somaliland uu siday dhanbaal gaar ah oo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska David Miliband u soo diray Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin. Wakiilka iyo Xukuumadda Somaliland midkoodna faah-faahin kama bixinin nuxurka qoraalkan, hase ahaatee, waxa illo xogogaal ahi tibaaxeen in uu ka turjumayay arragtida deeqbixiyayaashu ka qabaan geedi-socodka hawlaha doorashada Madaxtooyada, islamarkaana mucaaradku ku eedeeyeen Xukuumadda inay ka cagajiidayso dhamaystirka caqabaddaha ka horeeya doorashada. Dhinaca kale, Todobaad kaliya ayaa inaga xiga gudda-galka jid-walka loo qorsheeyey diyaarinta doorashada Madaxtooyadda Somaliland ee 27-ka Bisha Sagaalaad, Islamarkaana haddii aan ka hor waqtigan la dhameyn arrimaha axsaabtu arragti ahaan ku kala duwan-yihiin iyo shuruudaha deeqbixiyayaashu ku xidheen dhaqaalaha ay ku taageerayaan Doorashada, waxay taasi keenaysaa in komishanku dib u qaabeeyo ku tala-galka maalin laha ah ee hawsha doorashadda.Xisbiyadda mucaaradka ah iyo Xisbiga talada haya ee UDUB ayaan illaa hadda go’aan ka gaadhin, waxa laga yeelayo Komishanka doorashooyinka iyo sida loo sameynayo  Guddi ka garnaqdda muranada ka dhasha doorashada Madaxtooyada. Labadan qodob marka laga reebo Axsaabtu waa ay ka heshiiyeen qodobadii gundhiga u ahaa shuruudaha deeqbixiyayaasha, islamarkaana waxa ay Axsaabtu saxeexday aqbalaada natiijadda ka soo baxda mishiinka kala saaraya codbixiyayaasha oo hawshiisu gabagabotahay, sidoo kale Xukuumadda Somaliland ayaa shubtay saamigii kaga beegnaa kharashka doorashada. Sidaasoo ay tahay qodobada weli dhiman ee aan go’aanka laga gaadhin ayaa deeqbixiyayaashu u arkaan sida xoguhu tibaaxeen kuwo keeni karra mar kale muran siyaasi ah oo ka dhasha dib u dhac ku yimaadda Jid-walka doorashada iyo waqtiga oo is riixa.

Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland iyo hogaamiyayaasha Axsaabta oo aanu isku daynay in aanu wax ka weydiino gaba-gabada waqtiga iyo qabyada taagan ayaanay noo suurtagelin in aanu helo.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com