MAGACA SOMALILAND HA LA BEDELO
Asalaamu calaykum, Wuxuu maqaalkaygani daba socdaa dood dhawr jeer dad badini ka wada hadleen, Maanta oo ugu dambaysay, Waxaa dhacday inaan anigoo masaajidka sugaya jamacii uu nin Pakistaaniya iweydiiyey xaalada Somaliya, Ana isla markiiba waan fahmay inuu iijeedo aniga inaan somaliya ka imid, Ana waxaan u bilaabay inaan u sharxo inaanan ka iman Somaliya ee aan ka imid Somaliland welibana sharaxaad kooban ka siiyey taariikhdii, Intuu i eegay ayuu igu yidhi maxaad isaga bedeli weydeen magaca weli Somali ayaad tihiin ee micno ma samaynayso Somaliland ayaan ahay Somalina ma'ihi, Markaasaan ugu jawaabay waa magacii uu isticmaarkii noo bixiyey, Lakiin markaan gudahayaga nahay reer Somaliland ahaan waanu garowsanahay
inaanu magacan noo cuntamayn, Maanta haday go'aansadaan Puntland inay goostaan iyagay aduunweynuhu u garaabi, Waayo magaca ay la bexeen lagama dhadhansanayo ama lagama urinayo Somali.
In magaca la bedelo waxaa qaba dad badan ay ka mid yihiin Gudoomiyaha xisbiga Ucid, Aqoonyahano badan, Wuxuu soo bandhigay mujaahid Suufi in aanu ku bedelno Somaliland
Gobland, Ana waxaan soo bandhigayaa Republic of Horn Africa, Jinsiyada waxay noqonaysaa Horn african, Af-somaligana waa Jamhuuriyada Geesta Africa, Jinsiyadana
waa Geesta Afica, Magaca labaad ee aan soo bandhigayaa waa Jamhuuriyada Afrikada Bari, Jinsiyadana waa Afrikada bari, Republic of East Africa.
Bal cidii kale ee haysa Magac kale ha soo bandhigto, lakiin waxaa naga go'an in la bedelo magacan Uraya ee ka soo uraya somaliya ee waxkale oo aduunka noogu garaabo aan keeno, magacaa waa wuxuu ugu dhiiraday Safiirkii basal cunka weynaa inuu yidhaahdo waxaan idiin arkaa gobol Somaliya ah, waana runtii ma anagaaba diidan in aanu weli magac somali ah wadano,Xitaa marka lagu weydiiyo jinsiyadaada waad ku qasban tahay inaad tidhaahdo Somali, Ilayn af-soomaali kuma noqoyso reer somaliland, Basaboorka Somalilandna waxaa ku qoran jinsiyada Somaliland, Bakhtiga ma cunee fuudkiisa ayaan dhamaa weeye ee waa inaynu qadiyada ku darnaa oo aanu aduunweynaha ugu iibgeynaa magac cusub.
Tan kale ee aanan arag wax ka hadlaya lakiin aan Anigu dhibsaday waa dirayska ciidanka biliiska ee buluuga ah oo u eg tan Somaliya, Waxaanba garan waayey meesha ay midabkan buluuga ah inaga soo galay, Calankayaga kuma jiro midabkan buluuga ah, Hadii ay hay'ada ka caawiya dirayska ay ku qasbeena may uun koofiyada dawladu dibada ka soo iibsadaan ugu yaraan, Ilayn qarashka dawlada soo galaa weyka iibsan karaanee.
Sharma'arke Maxamed Cumar
Sheeq@hotmail.com