Maansadii Dhambaal
Dhibaatada tahriibku leeyahay maaha mid hal maqaal iyo labatoona lagaga sheekayn karo, waana aafo cusub oo ku soo biirtay dhibaatooyinkii hore u haystay bulshada Soomaaliyeed. Runtiina waa mid u baahan in loo furo barmaamujyo iyo doodo badan oo lagu lafa-gurayo dhibaatada uu leeyahay iyo wixii laga dhaxlayba. Baryahan danbe ayaa waxaa soo badanaya dhalinyarada reer Somaliland ee u tahriibaya wadamada Yurub, kuwaasoo u sii maraya wado aad u adag oo haliga, waxaaanay naftooda ku biimeeyaan badaha waaweyn si ay mar uun u gaadhaan wadamada reer galbeedka. Hadaba waxaa baryahan danbe warbaahintu sheegaysay doonyo fara badan oo lagu waayay badweynta Atlantiga, kuwaasi oo ay saarnaayeen dhalinyaro reer Somaliland ahi. Hadaba markii aan maqlay wararkaa dhiilada ah, ayaa anigoo dareenkayga muujinaya waxaan sameeyay Maansadan gaaban oo aan kaga hadlayo dhibaatada haysata dhalinyarada Somalilad. Waana tan maansadiiye akhris wanaagsan .
Dhaliilbaan arkaayaa
Dhiilaana ii timid
Dhugashada warkaa culus
Dhagahaygu maqalkii
Uma dhaadhacaayoo
Ka dhiidhiday naftaydii
Intaan dhiig wadaagniyo
Dhalintii dalkaygii
Degeladii ka dheelmade
U dhaqaaqe meel kale
Dhabbe waxayna qaadeen
Dhummucdeedu weyntahay
Dhererkana qiyaasiyo
Aan dhamaad lahaynoo
Dhimashay la darisyiin
Ma dhargoow saxaariyo
Badwayntaa dhexwaynbuu
Lafihiyo dhuuxiyo
Dhiigoodii yaalaa
Dharaartii timaadana
Dhiilooyin culusbay
Dhambaaladu qoraayaan
Dhudhunka iyo xoogiyo
Dhaayihiyo muruqay
Bulsho ay ku dhaaftaa
Midkaloo dhigeeda ah
Dhalinyarada weeyaan
Aduunyadan dhaqaaqdee
Samadaana dhaaftee
Cilmigii dhamaysee
Ee dhamaysa xoorkay
Dhalinteed u maashee
Dheemankiyo dahabkiyo
Doolaarkana ka dharagtee
Dhuuqaysa noloshana
Dhalinbaw horseedoo
Dhabadaa u jeexdoo
Kuwa seeska dhigayee
Ka ilaashay dheeligu
Dhalinyarada weeyaan
Awawgay dhigiisii
Bulshaday dhamaanteed
Dhaqankeedu wuxuu haa
Hidahoo la dhowriyo
Dhulka oo la aamino
Ragu dhaqida xooliyo
Dhulka ooy falaanbuu
Sahan dheer u gali jiray
Dumarkuna dhalaankiyo
Dhuunigay karshaaniyo
Dhigihiyo loolkiyo
Gurigay dhisaaniyo
Dhaankooy tagaanbuu
Dhaqankoodu daarnaa
Dhabtii waa su'aal weyn
Dhamac iyo Hadraawoow
Nin waliba dhankiisuu
Ka dhisaayay noloshee
Dheeligani muxuu yahay?
Dhamacoow dharaarahan
Dhalintii dalkaygii
Dhigoodii ka gaabshoo
Anigana dhankoodii
Dhaxanbaa iga haysoo
Waanay dhabaqday xaajadu
Waxaan dhawrayaa wali
Dhaan inuu yimaadoo
Dhiilahayga buuxshoo
Aan ku dhuro xareediyo
Biyo Dheeman la moodo
Wa bilaahi tawfiiq

qalinkii. Muuse Maxamuud Ciise ( Dalmar )
Stockholm, Sweden . Haji_musa@hotmail.com









