QAWLAYSATADA WAAD TAQAAN QALATA CAWLLAA!!!!!!!!!!

2009-12-14


       ugu horayn waxaan aad u salamayaa shacabka somaliland, waxa kale oo aan u salamayaa

dhamaan shabakadaha wararka ee somaliland.
    hadii aan ka hadlo maqaalkan aan ciwaanka ugu dhigay( qawlaysatada waad taqaan qalata cawallaa)
waa marxalada ka taagan dalka somaliland oo saamayn ku leeyahiin xukaamada somaliland
 ilaa iyo maalintii madaxwayne riyaale loo dhaariyeye xilka madaxwaynenimo iyop maanta oo ay
u dhxayasay mudo gaadhaysa 7sano, waxa uu madaxwayne riyaale soo kordhinayeye ama soo dooranayeye wasiiro ama uu isku kala bedalayey .
 runtii wasiiradaa madaxweyne riyaale isku kala shaandhaynayeye maaha wasiiro uu ugu talagalay
in ay dalka iyo dadkaba waxa wax u qabtaan oo ay muujiyaan wixii loo soo doortay, ee waa wasiiro
uu ugu talagalay in ay dalka la boobaan sidii waraabe raq helay .
 waayo waxa uu ubaahanyahay  koox la qadhaabsata , oo garabkiisa istaagta si ay isku kaashadaan.
 waxa kale oo uu masaxweyne riyaale ku sii daray in uu wasiiro magacaabo, isaga  oon hordhigin 
golaha wakiiilada si ay u ansixiyaan, taasina waxay noqon kartaa in uu riyaale gebi ahaanba ka talaabsado dastuurkii iyo kala dambayntii dalka u yaalay.
  ugu danbayntii waxaan leeyahay ha ogaadaan dhamaan shacabka danaynaya dalkooda in ay xukuumada riyaale gaar ahaan golaha wasiiradu ku kala derajo dheeryihiin sida ay xaaraaanta iyo khiyaamada qaran ukala badsadaan, waayo madax waynaha ayaa sidan ku soo dooratay oo derajadana u yeelay (QAWLAYSATADA WAAD TAQAAN QALATA CAWLAAYE, INTAAN SHACABKAA QAFIIFKAA DHOOLI LAGU QAADAN, HALA QABTO DOORASHO QAADI FULINAAYO.)  
   
  wabilaahi tawfiiq
 
allah mahadle
 
Abdulkadir Mohamoud Sugal
 Gudoomiyaha Xusbiga Kulmiya
 ee Wadanka Malaysiya
Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com