dhibaatada xukuumadani joogta ku hayso shacabkeeda
2009-12-14
jeelashii somaliland intii xukuumadani jirtay isu bedalay guantanaamotaariikhdu markay ahay 22/06/06. waxa magaalada ceel afwayn lagu qabtay
shiikh mubaarig diiriye cali iyo laba arday oo la socday ardaydaasi waxaa ay
badhtanka ugu jireen imtixaankii ay kaga qalin jebin lahaayeen dugsiga
sareisla saacadii laqabtay raggaasi waxaa loogudbiyey jeelka weyn ee
ceerigaabo .
markii arintaasi ay dhacday waxay mareen qaraabadii ama ehelkii shiikha iyo
ardayda laqabtay sidii caadada inoo ahaydba 1:in ay isku dayaan inay wax ka
ogaadaan waxa ay dadkoodu uxidhanyihiin ,waxayna lakulmeen maamulka dalka
soomaaliland ee ay qusaysay arintani oo ay ugu horeeyaan ciidamada c.i.d
sirdoonka iyo weliba madax kale waxayna kala hadleen arinta inamadooda loo
haysto waxaanay arintu gaadhay ilaa madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa illaa
hadana laguma soo oogin wax denbiqaraabadoodana looma sheeginwaxa inamadooda
lagu xidhay ama ay sameeyeenba mudada ay weli xidhanyihiina waa laba sano
iyo dheeraad aan wax maxkamad ahna la horkeenin .
waxa ayna mudadaasi galeen ama lagu xidhay jeelal kala duwan waxayna kala
yihiin 1:jeelka wayn ee ceerigaabo 2:saldhiga dhexe ee hargaysa oo
wadaadku ku jabay intii uu kujiray 3: jeelka weyn ee madheera .
markaa waxaa aanu usheegaynaa bulsho weynta reer soomaaliland ee islaamka ah
sharciga dhigaya ama qoraya in shiikh muwaadin ah iyo arday usoo baxaysay
dalka in sidii karaatoonta layska xidho oo marba meel lagu tuuraa
sharcigaasi ma sharci islaambaa ,ma mid gaalaa miyaa lakala adkaaday oo waa
la si qabsaday .
su aashaasi waa mid utaal bulsho weynta reer soomaaliland. waxaanan ka
codsanaynaa cid kasta oo damqasho leh ama damiir islaamnimo ku jiro inay
arintaa wixii ay ka qaban karaan ka qabtaan sababa oo ah dulmiga shayga
layidhaahdo ma dhaxo'
Qof Is Qariyey









