AAMIN WUU DHINTAY, TAXADAR UUN BAA NOOL!!!…… Qalinkii Abukar Albadri
AAMIN WUU DHINTAY, TAXADAR UUN BAA NOOL!!!…… Qalinkii Abukar Albadri
Maalin walba Soomaaliya waxaa ka dhacda nasiib darro ay dadku is yiraahdaan waa tii ugu xumeyd uguna dambeysay, laakiin quustaas wax kuma ekaadaane meel uunbey xummaan ka sii xun tii hore ka soo dustaa.
Haddaba, marka aan leeyahay aamin wuu dhintay, u lama jeedo nin dhintay, waxaa dhintay is aaminaadii bulshada,waxaa baahay kala shaki, kala fogaansho iyo is aamin la’aan. Tani waxay nafta ku soo celisay “TAXADAR” oo marka uu aaminka noolaa ahaa mid aan heysan nolol wanaagsan.
Bal qiyaas hooyo iyo wiilkeedii kala aamin baxay, wiil aabihii u dilaaya caqiido darteed iyo saaxiibo far iyo faraanti ahaa oo aan salaanta ka badan oo hadal ah wadaagi Karin. Shakigan baas ee ummaddii dhex galay baan is iri bal qalinkaaga ku eeg, laakiin waxaan eeday baa ii soo baxay.
Qisooyinkan xusidda mudan ayaan ka soo xulay kuwo tiro badan oo aan soo uruuriyey, kolleyba waa yaab iyo ammakaak. Sida caadada ah ee ay sameeyaan dadka maqaaladeyda akhriya ama waad I soo ammaani doontaa, ama waad I soo caayi doontaa, laakiin hanjabaadda ayaan ugu necbahay emailada ii soo dhaca.
Aan guda galo qoraalkeygii. Waxaan sheegayaa waa xaqiiqo dhacday. Muhiim ma ahan inuu qofku ka caroodo sheegiddooda. Waana kuwan qisooyinka nasib darada ah.
Odey saraakiishii hore ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ka mid ahaa ayaa wuxuu shaqo KMG ah ka helay dowladda KMG-ka ah ee Soomaaliya. Waxaa uu muddo kooban tababar siinayey ciidan dowladda ka tirsan oo la doonayey inay sii tababaraan maleeshiyooyinka dowladda Ciidankeeda ku biiraya.
Odeygu tan iyo burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya shaxaad mooyee shilin uu shaqeystay muu arag. Xaaskiisa oo qudaar gadi jirtay iyo shaxaad ayuu ku soo ilmo korsaday oo kula soo kufaa kacay. Wuxuu dhalay lix caruur ah oo afar ka mid ah yihiin wiilal qaangaaray oo waaya xanuunka leh uu ku soo koriyey waxna ku soo baray.
Odeygu inkastoo uu wiilashiisii la noolaa oo ay guriga isla joogaan haddana kama uusan warheyn dhaqdhaqaaqooda gaar ahaaneed, kaliya wuxuu ka warhayey inay gaarna dugsiga sare dhameeyeen qaarna weli dhigtaan oo aysanna wax balwad ah laheyd, salaadanaha xafidaan. Intaasina wuu isaga qanacsanaa..
Markii uu bilaabay shaqadii yareyd ee dowladu siisay ayuu ilmihiisii u sheegay inuu dowladda ka helay shaqo yar oo maalmo kooban oo bil iyo wax yar ah socon doonta, isagoo doonayey inuu ku farxad geliyo in aabahood 18 sanadood oo shaqo la’aan ah kaddib uu weli rajo leeyahay.
Laakiin ilmihiisii kuma aysan wada farxin. Wiil uu dhalay oo xubin ka ahaa ururka Mujaahidiinta Alshabaab ayaa wuxuu ka carooday sheekadii aabihiis. Maalmo ayuu ka fekerayey wixii uu ka yeeli lahaa. Laakiin lalama sugine sirdoonkii ururka ayaa waxay xogtii aabihiis hor keeneen madaxdoodii. Kaddibna isagoo lagu sharfayo ayaa lagu yiri “Adiga aabahaa ka warkeen, ama haka towbad keeno hawsha uu galay ama go’aankiisa dib noogu soo celi” waxaana loo qabtay muddo toddobaad ah.
Wiilkii taladii baa ku wareertay. Aabihii iyo rafaadkii uu ku soo koriyeyna wuu xusuustaa. Amarka amiirada ururkiisa iyo caqiiqdada ka dhaadhacsanina waa meeshooda. Si uu yeelo markii uu garan waayey ayuu 2 habeen gurigoodii ka soo dhaxay. Aabihii wuu wareeray. Wuxuu u maleeyey in wiilkiisii afduubtay ama la dilay.
Isagoo yaaban oo shaqadii xitaa iska daayey oo isbitaalada iyo meelaha uu is leeyahay amaad wiilkaaga raq ama ruux warkiisa ka heshaa wareegaya ayaa waxaa soo wacay wiilkiisii. Odeyga markii uu wiilka codkiisa maqlay wuu farxay. Wuxuuna la soo booday “Ma nooshahay, ma lagu afduubtay, inteed ku xiran tahay” iyo hadalo kale oo qalqal iyo farxad is biirsaday ah. Laakiin jawaabtii wiilkiisa may qancin. Qalbigiisii hurayeyna may dejin. Waxayna ku beertay urugo xanuun leh.
Wiilkii wuxuu aabihiis ugu jawaabay “Aabe layma afduubine farriin baan kuu wadaaye iga dhegeyso”. Odeygii wuu yaabay. Wuxuuna ku yiri “soo daa farrinta”. Wiilkii wuxuu aabihiis ku yiri, “aaboow ma og tahay inaad fal riddo ah lugaha kula jirtid?”. Odeygii oo naxsan ayaa yiri “sideen u riddoobay caana hele?” wuxuuna wiilkii ku jawaab celiyey, “Waxaad ku dhacday fal riddo ah, waxaad wax la wadaagtay xukuumadda riddada, sidaas darteed adigana waad riddowday”
Odeygii wuxuu is yiri wiilkaaga canaano oo dheh ma anigaad I dhihi kartaa waad riddoowday, wuxuuna wiilkii kula hadlay hadal yara kulul, isagoo leh, “Caasiyahoow ma anigaad I leedahay waad riddowday, sheydaan yahoow” iyo hadalo kale oo kulul. Laakiin wiilkii kama aysan dhaadhicin hadaladaas.
Wuxuu si tartiib ah ugu yiri, “Aabe si taxadar leh ii dhegeyso, hawshu ma joogto is waalwaal, aniga habeenadan aan kaa maqnaa waxaan ka soo fekeraayey sidii aan xaalkaaga ka yeeli lahaa, mujaahidiintana inaad shaqo u bilowday qolada riddada way ku og yihiin, hadeertaanna aniga ayaa arrintaada gacanteyda ku jirtaa oo go’aan layga sugayaa” odeygii oo naxdin la shiiqay markii uu maqlay Mujaahidiinta ayaa cod dabacsan oo hallaasi ah ku yiri “Hayeh maandhow duca qabe” Wiilkii ayaa hadalkiisii sii watay oo yiri “Waxaan kuu soo bandhigayaa laba arrimood, kow inaad towbad keento, laba inaad faraha kala baxdo hawsha riddada ah haddii aad intaas yeeli waysana waxaa arrinkaaga loo bandhigayaa shareecada Islaamka iyo xukunka Allaah”
Odeygii waa ayaa ku baryey. Wuxuu wiilkiisii waydiiyey “Hadda ayaan towbad keenayaaye ma lay cafinayaa, haddiise lay cafiyo yaa ii balan qaadaayo inaan badbaadaayo?” wiilkii wuxuu aabihiis ku yiri, “Beri dukaanka hebel ee xaafadda ayaan kuu dhigayaa lacag jidmar ah ee dalkan isaga tag meeshii aad doontana aad sidaas ayaad ku badbaadeysaa, anagana Allaah ayaa arsaaqadeena haya, xoolo riddana weligeen kuma soo nooleyn haddana ma rabno”
Odeygii oo yaaban ayaa taleefoonkii damiyey, wuxuu aaday xaafad aan xaafaddiisii aheyn baqdin aawgeed. Kaddibna wuxuu xaaskiisii u dirsaday dukaankii uu wiilkiisii u tilmaamay. Waxay uga soo qaaday lacagtii jidmarka ee wiilka uu meesha dhigay. Wuxuuna sidaas ku raacay baabuur Kenya u socday oo uu qaxootiga iska xaadiriyey.
Odeyga oo aniga qoraaga ah kula kulmay xaafadda Eastliegh (Islii) ee Nairobi ayaa ii sheegay in wiilkiisii uu ka soo qaxay, hadeertaan uusan aamini karin ilmihiisa qaar ka mid ah oo Nairobi la jooga, kaliya wuxuu la sheekeystaa nin ay isla ahaayeen saraakiishii hore ee ciidanka inta kale bulshadana wuu ka aamin baxay haddii wiilkiisiiba ay kala aamin baxeen.
Dhacdo kale oo yaab leh ayaa dhacday. Wiil iyo aabihiis oo labadaba hubka qaaday una qaaday inay Jihaadaan ayaa waxay kala qaateen fekradaha ay kala aaminsan yihiin Alshabaab AlMujaahidiin iyo Ahlul sunna Waljamaaca.
Aabaha wuxuu ahaa odey ka tirsan dariiqada Ahlul Sunna Waljamaaca, wuxuuna weligiis gurigiisa ku dhigan jiray xus iyo siyaarooyin muddooyin kala duwan sanadkiiba.
Wiilkiisana sidaas ayuu ku soo koray, laakiin wuxuu kamid yahay dhalintii ardayda aheyd ee markii Xabashida qabsatay dhulka Soomaaliyeed ee daahirka ah balse dhiigga nijaaseeyey jihaadka inay galaan u weecday ee xarakada Alshabaab ka mid noqday. Aabaha wuu ogaa inuu wiilkiisii dagaalamo, laakiin wax xil ah iskama uusan saari jirin arrimihiisa gaar ahaaneed, balse wax baa dhacay!!..
Horraantii sanadkan 2009 markii dagaalada qaraar ay magaalada Wabxo ku dhex marayeen Alshabaab iyo Ahlusunna ayuu odeygii wuxuu ka mid noqday dadka ay qaaday caadifadda taageerenimo ee Ahlusunna, wuxuu aaday dagaalka. Markii ay hakadeen dagaaladii Wabxo ayuu dib Muqdisho ugu soo laabtay si uu wiilkiisii iyo dhalinyaro kale ugu wado dagaalka. Wiilka iyo odeyga isma oga, laakiin furinta dagaalka ee Wabxo ayey labada dhinac kaga wada jireen. Wiilka oo Alshabaab ah oo aan ogeyn inuu aahibiis oo Ahlusunna ah ka soo horjeedo iyo aabaha oo Ahlusunna ah oo aan ogeyn inuu wiilkiisii xabadda ku soo lisayo.
Markii uu odeygii Muqdisho yimid oo wiilkiisii waayey ayuu teleefoon ku raadiyey. Wiilkii markii ay isla hadleen wuxuu u sheegay inuu jihad ku maqan yahay oo uu u soo duceeyo, wuxuu weydiiyey “Inteey jihaad kaga jirtaa?” wuxuu ugu jawaabay “Jiidda Wabxo” kaddib ayuu ku yiri “Ilaah ayaa mahad leh, haddiiba aad jihaadka ku jirtee Sheekh hebel iyo Sheekh hebel raadi oo u sheeg inaad wiilkeygii tahay, iyagaa xaalkaaga ka warqabi doonaane, khawaarijtana gacantaada ku cadaab”
Markii uu odeygii warkiisii dhameystay, hadalkiisiina ku soo daray khawaarijta ayuu wiilkii weydiiyey, “Aabe khawaajirtu waa kuwee?” wuxuuna ugu jawaabay, “KHawaarijtu Shabaab” wiilkii wuu xanaaqay, wuxuuna aabihiis ku yiri, “Aabe Mujaahidiinta Alshabaab ayaan ku saf ahay aniga, qabuuriyiintana waxaan ku cabaadayaa gacanteyda ee nagu soo biir si aan Allaah dartiis ugu wada shahiidno ama nasriga ummadan horsed ugu noqono”
Odeygii wiish ayaa ku yeeray, wuxuuna wiilkii ku yiri, “Ma haddaad aniga qabuuri i leedahay?” wiilkii oo aan aabaha ka ganban ayaa ugu jawaabay “Aabe haddii aad qabuuriyiinta ku feker tahay kuwaasi waa mushrikiin, cid walba oo ku feker ahna xabad ayaa naga dhexeysa”
Hawshii way cuslaatay. Wiilkii iyo aabihiis waxay ku kala tageen iyagoo kala aaminsan inay mushrik iyo khawaarij kala yihiin.
Wiilkii oo hadalkii aabihiis ka careysan ayaa wuxuu wacay adeerkiis, wuxuuna ku yiri, “Adeer aabaheey waani, aabe waa mushrik ee Allaah u towbad keen ku dheh” adeerkii oo la yaaban mowqifka adag ee wiilka ayaa wuxuu wacay aabihii, wuxuuna u sheegay inuu wiilka iyo afaarihiisa faraha kala baxo, laakiin wuxuu ugu jawaabay “Wiilkaasi waa caasi waalideyn, wuxuuna ku biiray Khawaarij, sidaas darteedna dilkiisa wuu ii banaan yahay”.
Wiilkii wuxuu taagan yahay, “Aabaheey waa mushrik qabuuri ah” wuxuuna ka astaahilaa inuu dhegta dhiigga u daro. Aabihiina wuxuu leeyahay, “Wiilkeyga waa khawaarij” waxayna diyaar u yihiin midba midka kale inuu aragtida ku dilo si uu janno ugu raadsado dilkiisa. Mid baase muhiim ah, labaduba waxay leeyihiin “Laa Ilaaha Illaalaah, Muxamadu Rasuululaah” wayna dukadaan shanta salaadood.
Taa waxaa ka sii daran dhacdadan.
Hooyo Soomaaliyeed oo ka mid ah haweenka ka ganacsada Suuqa Bakaaraha ayaa gabadheedii ku biirtay Xisbul Islaam, waxayna hooyadeed ka qaadi jirtay lacag ay ugu magac dartay (Qaaraanka Mujaahidiinta) gabadhuse hooyadeed lacagta kama aysan baadi jirin in kastoo ay duqda lagacta ku dhiibi jirtay cabsi ay gabadheeda ka qabto iyo isku ilaalin ay isku ilaalineyso ka mid ahaashaheeda ururkan dagaal yahanka ah.
Gabadhaas waxay ka mid aheyd gabdhaha marka ay ragga dagaalamayaan iyagana cuntada iyo wixii tasiilaad ah ka caawiya. Maalineedkii baa yimide waxay gabadhii ku dhimatay dagaal socday madaafiic la isku weydaarsay. Laakiin hawsheedii baa laga faaiideystay. Gabar la dhalatay oo aan wax urur ah ka mid aheyn, balse ka mid dhalinta waqtiga ayaa waxay go’aansatay inay hooyadeed ku baado magaca ururka kana qaadato lagactii lagu dhiibi jiray Qaaraanka Mujaahidiinta.
Gabadhii maalin bey la soo heshiisay gabdho saaxiibadeed ah oo ay ku tiri “Hooyadeed ayaan sheeko u jilayaaye i raaca, xijaabyo soo qaata, indho shareer soo xirta, kaddibna waxaan idinka dhigayaa inaad ka mid tihiin gabadhaha ururka aan ka tirsadahay ee saalixaadka ah, idinkana Maasha Allaah iyo Subxaana Allaah uun dhaha”.
Jilliinkii wuu hirgelay, mar walba oo gabadhaasi lacag ka dooneyso hooyadeed kuma tiraahdo “Hooyo lacag isii oo waxay ku tiraahdaa maanta hawl noocaas ah ayaa jirta ee waxaa laygu soo qorya intaas oo Qaaraakna Mujaahidiinta ah ee keen” duqduna way dhiibtaa, waxayna hal qabsi ka dhigatay “waa caruurta deminkaane waxaanan anaga ogeyn ayaa loo soo sheegaaye waan siin meesha ay rabto ha geysee”
Islaantu inkastoo gabadha ay dhashay, waxa ay bixineysana raalli ka aheyn, haddana ma awooddo inay u diido. Mana weydiin karto inteed lacagta u wadaa oo waxay ka baqaysaa haddii ay gabadha su’aalo ku keento inay gabadhaha u sii sheegto amiirkeeda, laakiin ogaan laheydaa inaysan tani amiir laheyn oo khiyaameyso.
Arrinta muhiimka ah ayaa waxay tahay inaysan wax is aaminaad ah ka dhexeyn hooyaddii iyo gabadheedii oo gabadhana ay hooyadeed ku baadeyso magac urur diimeed aysan ka tirsaneyn, hooyaddana waxay gabadheedii uga aaminbaxsan tahay maaddaama aysan ogeyn illaa xadka ay ku kal soonaan karto.
Tani kuma eka urugooyinka. Waxaan isku dayey inaan la sheekeysto dhalinyaradii saaxiibadey ahaa ee Muqdisho ku sugan, markii aan xaalkooda weydiiyo oo aan is bariidino kaddb, waxaa caado u noqotay inay in badan ka gaabsadaan inay ila hadlaan. Kaligey maahee qof qof la sheekeystaahi ma jiro. Waxaan u kuur galay inaan wax ka ogaado sida ay dhexdooda uga sheekeystaan mar haddii aniga layla sheekeysan waayey. Laakiin aaminkii baa dhintay, mid walbaa wuxuu is leeyahay “Yeysan sir kaa fakan oo saaxiibkaa kugu janno tagin adigoon ogeyn”.
Nin aan asxaab nahay oo saxafi ah ayaa ii sheekeeyey, wuxuu igu yiri “Mar baan la kaftamay nin aan saaxiib nahay, waxaan ku iri Saaxiib maalmahaan waad xirxiran tahaye sideey wax u jiraan, aaway kaftankii iyo sheekadii” wuxuu iigu jawaabay buu yiri, “Weli kaftan waa caadi laakiin xilli waxaan ku jirnaa kaftanka xitaa lagu riddoobo, ama khawaarij lagu noqdo” wuxuu ii sii raaciyey ayuu yiri, “Inaan riddoobo ama aan khawaarij noqdo midna dooni mayo, sidaas darteed kaftanka lagu gaaloobayo waan iska daayey” “sidii ayaan ku fahmay oo aan kaga gaabsaday” ayuu yiri.
Hadeertan, waxaa Muqdisho ka jirta halqabsi cajiib ah oo la iskula kaftamo oo ah “Muslimnimadaada taargo ma lahan” oo macnaheedu yahay urur diimeedka aad ka tirsan tahay lama garanayo, waxaana sidaas lagula kaftamaa qofka loogu kalsoonida badan yahay ee la doonayo in la dareensiiyo inaan la fahamsaneyn ururka uu ka tirsan yahay sidaas darteedna aan lala sheekeysan karin.
Arrinta ugu dhib badan ayaa waxay tahay inay Soomaaliya jiraan laba koox oo si aad ah u dhisan, uguna kala tagay fekerka diimeed ee ku qotoma caqiidada. Labadaasi kooxood waa Ururka AhluSunnah Waljamaaca iyo Shabaab Al Mujaahidiin. Labaduba waxay leeyihiin asxaab sirdoon ah oo bulshada ku dhex daadsan. Waxayna u soo xuuraamiyaan dadka iyo xaaladahooda. Urur walbana xunbaha uu ururka kale ka qabto ama qofka uu ku tuhmo inuu kooxdaasi taageersan yahay dhegta ayuu dhiiga u darayaa. Dowlada KMG-ka ah iyo Xisbul Islaamna waa awoodo kale keeni kara in taageeradooda iyo ka soo horjeedkooda labadaba loo dhinto, laakiin iyaga way ka mowqif duwan yihiin sida ay labadan kooxood ee kale isugu caqiido-naceyb fogaadeen.
Nin ka mid ah akhyaarta ahlul beledka ah lagu xushmeeyo waxgaradnimadiisa, in badanna sheeko iyo kaftan lagu yaqaanay, mararka qaarna ka mid ahaa ragga sameeya Bursaleetooyinka lagu sheekeysto ayaan weydiiyey “Xaaladdan maxaadka tiri”, wuxuu iigu jawaabay, “Albadriyoow adigaba Muslinimadaada taargo ma leh, horta adiga taargo aan kugu aqoonsano la imaaw markaas ayaan kuu jawaabaaye”
Wiil aabihiis gaaleysiinaya, aabe wiilkiisa ku leh khawaarij baad tahay, gabar ooyadeed ku baadeysa magaca diinta, saaxiibo u kala irdhoobay mabaadii diimeed oo aysan wax shaqo ah ku laheyn, kala fogaanshaha iyo iska warqab la’aantya bulshada ku qasabtay ammaankooda, intuba waxay soo dedejiyeen dhimasha “AAMIN”
Ururada Soomaaliya ka dagaalamaya waxay ku wada joogaan kala feejignaan iyo kala baqid, wax is aamin ah oo ku dhex jiraa ma jiraan. Aamin wuu dhintay.Wax isu quuriddii, dadnimadii iyo dareenkiibana way la dhinteen, hadertan “TAXADAR” lee nool, haddii taxadar gaboobo oo xilliga geeridiisii la gaaro, waxaa xilkiisa la wareegaya “KALA SHAKI” kala shakigana wuxuu xilka ku sii wareejin doonaa “KALA TAG”.
Ummaddan qalbiyadooda kala tagay, ee waalidka wiilkiisa ka dhuumanaayo waa arrin xanuun badan. Bal Ilaah ayaan idinku dhaarshaye ma anagoo adduunka joogna ayaan aakhiro hawsheedii qabsaneynaa. Waxaan soo xasuustay aayadaha ku jira Suuratul Cabasa ee ahaa, “Yowma yafirul mar’u min akhiihi,wa u mihii wa abiihi, wa saaxibatihii wa baniihi” aan Allaah u towbad keenno, ummaddana walaalnimadeedii iyo isku kalsoonaanteedii dib ha looga shaqeeyo sida hadeerba kala geynteedii looga shaqeeyey.
Wixii talo iyo dhaliil ah ku soo hagaaji …… abukar.albadri@gmail.com









