SOMALILAND OO LA ILDARAN SADEX FOODLAY
SOMALILAND OO LA ILDARAN
SADEX FOODLAY
Asalaamu calaykum, Ninkii hablo badan dhalay ayuun baa garan kara sida ay sadexda xisbi u dhaqmayaan ee bilaa xishoodka ah, waxaad arkaysaa iyagoo sidii foodleyda u xifaaltamaya oo
hadh iyo habeen leh wey isoo eegtay heblaayo, carabkay igu soo taagtay, wey i huruuftay iyo wey i cayday, Waxay baryahan dambe caadaysateen in ay jawaabo bilaa yool ah ay jaraa'idada isu mariyaan, Tusaale ahaan hadaan u soo qaato, Cismaan hindi hadalkiisi deel-qaafka ahaa isagoo u meel dayin oo bilaa cadaymo ah iska yidhi, Sidii aan maalinta qayaamaha lagala xisaabtamayn waxa uu ku hadlayo, Tan aan sida gaarka ah ugala sii yaabayna waa isagoo xaalada nolosha ee Ilaahay siiyey wax uu bini-aadam uga baahan yahay jirin inuu hadana isxiijiyo, marmarna uu barlamaanka ka dhex dagaalamo isagoo aan shaqo ku lahayn, waxaanan xasuusin lahaa hadii ay Udub guulwadayn cid ku daynayso ha eego saxiibkii Ismaaciil faqash waxa uu ku dambayey, Isagana Faysal oo xukuumada ku eedeeyey inay iibsadeen laba jasiiradood ee Somalailand leedahay, Siilaanyo oo Isagana ku eedeeyey xukuumada inay ka dambaysay dilkii taliyihii qaybta 31-aad.
Hadaba waxaan ogaysiinayaa sadexdan foodlay inaan 60-kii la joogin oo qiiro aan si cilmiyeysan looga fiirsan layskala boodi jiray, Lamana joogo wakhtigii Jabhadaynta ee kaadhka ka gubka, shacabkani wey bislaadeen waxaanan mid mid idiinku sheegayaa:
1- Udub inay riyada ka toosaan oo wakhtigii gaba-gabo yahay, oo ayan ku fikirin waad fashilanteen oo doorashada waad ku guuldaraysanaysaan ee xamar geeya inta laydinka hormaray ee waxay qaybteen ayuunbaa maanta lagu tixgalin doono oo lagu dooran ee nasiibkooda ha qaadeen oo ha kilyo adaygaan, Kolba kolanyo wasiiro ah iyo taliyayaasha biliiska iyo ciidanka qaranka yey shir jaraa'id qaban oo yeysan odhan heblaayo ayaa saa tiroo waxaan uga jawaabayaa sidaa iyo sidaa, War isla yaaba rag da'dii waxyaalaha qaarkood laga xishoon jiray ayaad joogtaan ee maanta laydinka yeeli maayo hadal ee ku dhiirada inaad doorashada qabataan.
2- Kulmiye kolba qiiqa haysku qaririna ee hadaad wax talo ah haysaan Ilmeedaan waasan fardo laysku hayaa maxaa laysaga faani, Libintiina hadal aan qiima lahayn haysaga qaadina, Eedihiina ku lifaaqa cadaymo, Tusaale ahaan wuxuu Max'd xaashi yidhi waxbaa la musuqmaasuqaa, Eedayntaas oo bilaa cadayna qof rumaysanaysa majirto, Waxa lawada og yahay oo qudha marka lagu eryo inaad eedaymo aad afka gacanta galiso ee keen cadaymo ama iska aamus.
3- Faysal isaga sidaa si le'eg marka uu leeyahay jasiirada la iibiyey iyo guri ayuu madaxweynaha shaariqa ku leeyahay oo anigaa soo arkay, Waa la og yahay inaad diyaaradaha raacdo oo basaboor yurubiyana leedahay lakiin cadaymo maxaad haysaa? Hadaadan wax cadaymaha aadan hayn iska aamus oo ku dadaal sidii aad u diyaarin lahayd barnaamijkii aad ku soo jiidan lahayd dadka doorashada wakhtigeedu soo dhaw Insha'alah, waxaa ku sugaya dagaal u baahan fikrad iyo qarash.
Sharma'arke Maxamed Cumar
sheeq@hotmail.com









