Ma ka bixi karnaa wahsiga inagaga yimi dhinaca dacwada?
Haa, waa ka bixi karnaa weliba si fudud ayaa looga bixi kara waxaanse u baahannahay marka hore inaan ka jawaabno su’aalahan:
1. Wahsiga inagu dhacay intee le’eg yahay?
2. Xaggee la inooga yimi?
3. Xaggee la inooga badanyahay?
4. Goorma ayaa inoogu horaysey wahsiga?
5. Calaamado lagu garto ma leeyahay?
Haddii su’aalahan aynu uga jawaabno si dhab ah oo qayaxan oo aynaan waxba qarin, kana xishoon inaynu sheegno meesha ceebtu ka jirto waxaynu helaynaa dawada wahsiga aynu kaga baxayno.
Tusaale sahlan: Ka soo qaad haddii aad xanuun ku haya dhakhtar ugu tagtid shaki ma leh inuu ku waydiinayo su’aalaha kor ku xusan, haddii aad qaar ka mid ah ka xishootid ama kala baqdid inaad dhakhtarka u sheegtid waxaa dhici karta in dawo khaldan oo wax ku yeesha laguu qoro iska daa inaad heshid dawadii kugu munaasibka ahayde!!
Dareenka wahsigu waa jiraa hase ahaatee qof kasta oo ay ku jirto qiiro islaamnimo iyo isxilqaan waxqabad markaad kala sheekaysatid arintan wuxuu ku salaynayaa xalka uu kuu sheegayo sida uu u arko jawaabaha su’aalaha kor ku xusan.
Shirkii dardar gelinta dacwada
Shirka waxaa ka soo qayb galay culimo waaweyn, dhalinyaro dacwada ku soo biiray qaxii ka dib iyo rag ducaad hore ahaa oo shirkan oo kale ay ugu dambaysey sanadkii 2000 ka hor:
Shirku wuxuu ku furmay jawi diiran iyo niyad ay ku dheehantahay xamaasad iyo isbedel-doon, ragga badankoodu suuqa iyo masaajidda waa la isku salaamaa laakiin wada tashi iyo isu imaad noocan oo kale ah goor isugu dambaysey lama xusuusto.
Shirku haddii u furmayba waxaa la guda galay qodobadii ugu muhiimsanaa oo ay ka mid ahayd su’aasha qormadan aan cinwaanka uga dhignay:
Ma ka bixi karnaa wahsiga inagaga yimi dhinaca dacwada?
“Xamaasaddii dacwada dhalinyaradu u hayeen ayaa meesha ka baxday” nin culimada waaweyn ka mid ah ayaa ku sababeeyey wahsiga.
“Aduun iyo xaasas iyo caruur baa lagu mashquulay” waxay ahayd fekrad rag badani cilladda ku sheegeen.
Qaar kale waxay qabeen in khilaafka fikirka iyo manhajka ku salaysan sababay hoos u dhaca xawaarihii dacwadu ku socotay.
“Cadow baa nagu soo duulay, hay’ado iyo gacmo shisheeye ayaa umadda qasaya” waa fikrad laga yaabo in loo badanyahay.
“Meeshan waa la caajisay shiikh, ninkii aad ugu tagtaa kaalay oo dersi ama muxaadaro dad u soo jeedi waa kaa cudur daaranayaa, kulay ku tahay khudbaddii jimcaha ayaa laga soo taaganyahay” waxaa shirka ku darsaday nin dhalinyaro ah oo isagu raggii dambe ah.
Waxaa kaloo iyadana rag badani tibaaxeen in isku xidhnaantii iyo wadatashigii inay meesha ka baxay.
Maxay ku dhacday in shirkadaheena ganacsigu najaxaan maraakista dacwaduna fashilmaan? Waxaa shirka waydiiyey Sh. Axmed oo ka mid ah ragga weli iyagu ku mashquulsan dacwada.
Shirku haddiiba uu mudo si fiican u socday waxaa la soo gaadhay xilli dambe oo ragga qaarkood ku andacoodeen in shirka la soo gabagebeeyo maadaama laga sugayo inay furaan meherado ay furahooda iyaga keliya hayaan, kuwo kalana waxay sheegteen in xiisado laga sugayo jaamacadaha iyo iskuulada.
Guddoonkii shirka way ku adkaatay inuu shirka sii wado waxaase si degdeg ku jiro la isugu raacay in guddi laga xulo raggii shirka fadhiyey si ay uga soo talo bixiyaan arimihii shirka lagaga dooday.
Jaamac C/llaahi Caydiid









