Kulmiye Oo Magacaabay Gudiga Abaabulka iyo Wacyi-gelinta Bulshad + Xil Kale Oo Cusub
Hargeysa (Waryatv.com), Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee kulmiye Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa goor dhaweyd shaaca ka qaaday in jagadii xoghayaha dhalinyarada ee guddiga fulinta ay u magacaabeen C/Najax Siyaad Aw Cabdi.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in jagadaasi ay banaanay dhawaan, isla markaana ay ka baaran dagaayeen cidii ay u magacaabi lahaayeen.
Gudomiyaha ayaa sidaasi ku sheegay war saxaafadeed uu goor dhaweyd soo saaray, war saxaafadeedkaasi ayaa u dhignaa sidan hoos ku xusan.
“Markii ay bannaanaatay Jagadii Xoghayaha dhalinyarta ee Guddiga fulinta Xisbiga KULMIYE, lagama maarmaanna ay noqotay inaan buuxiyo.
Markii aan la tashaday dad badan oo ehelka Xisbiga ah, dhinacyo badanna wax ka eegay.
Markii aan ogaaday inuu xilkaas gudan karo, hufnaan iyo kartina uu u leeyahay , laga bilaabo maanta oo ay bishu tahay 22 December, 2009, waxaan u magacaabay Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi inuu noqdo Xoghayaha Dhalinyarada ee Guddiga fulinta Xisbiga KULMIYE ee heer Qaran.
Xubnaha Hogaanka Xisbiga waxaan ka codsanayaa inay ku gacan-siiyaan Xilkaas, Xoghayaha Dhalinyarada ee cusubna waxaan ku boorinayaa inuu la yimaaddo karti shaqo iyo hufnaan.”
Geesta kale gudoomiyaha kulmiye Axmed Siilaanyo ayaa maanta mar uu wada tashi la qaatay gudoomiyayaasha gobolada Bariga iyo Galbeedka ee olalaha doorashooyinka iyo masuuliyinta kale ee xisbiga waxa uu ku dhawaaqay gudiga wacyi gelinta iyo abaabulka dadweynaha arrimaha doorashooyinka.
Waxaanay kala yihiin magacyada gudiga uu maanta magaacabay gudoomiyaha kulmiye Axmed Silaanyo
1- Maxamed Cilmi (Maxamed-Ilkacase) Guddoomiye
2- Maxamed Jaamac Axmed ----- Guddoomiye Ku-xigeen
3- Axmed Ducaale Bullaale-------- Xubin
4- Xasan Siciid Yuusuf ------------- Xubin
5- Faysal Cali Sheekh ------------- Xubin.
Udu danbayntii waxaa xubnaasi lagu war geliyey in ay xilkooda sida ugu dhakhsaha badan u gutaan.
Gudigaasi ayaa ka hawl geli doona ka shaqaynta hawlaha doorashooyinka ee fooda inagu soo haya, isla markaana lagu wado in horaanta sanadka 2010 ay dalka ka qabsoonto.
Xafiiska wararka ee Waryatv
Hargeysa/Somaliland
Reported by
Qaasim
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

