WAANO ku socota Dahir iyo Cawil
2009-12-24
SALAAMU CALAYKUM,
Somalidu waxay tidhaahda wax isu sheeg ma xume wax is weydaaris baa daran
aniga hadalkayga iyo waanadayduba waxay ku socdaan 2da nin ee maanta
somaliland anigu aan u arko inay u sareeyan
waa mudane Dahir Riyale Kahin oo ah sida sharcigu dhigayo MADAXWEYNAHA
JAMHUURIYADA SOMALILAND iyo Xussen Cali Ducaale oo ah wasiirka maaliyada.
markaan leeyahay ugu sareeya waa dhaqan aduunka oo dhan ka jira ee aan
somaliland keli u ahayn sabato ah haddii ay 2da qof isku ahdaaf noqdan cid
kasta iyaga isaga dhow porotocoolka iyo dastuurkaba ka xoog badan hadaynu
metel u soo qaadanno sida loo badan yahay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu
haddii ay wada shaqayn fiican mujiyan shaqo badan baa qabsoonta haddii se
lakala weji dadbo oo laysku ahdaaf noqon waayo karaahiyo iyo shaqo badan oo
baaqsata ayaa meeshii ka soo baxda xaqiiqaduna waxay tahay marka doorasho
jirto madaxweynuhu isaga soo xusha ninka u noqonaya ku xigeen.
haddaynu se dib ugu noqono markii DAHIR RIYALE KAHIN IYO AXMED YUSUF YASIIN
ay madaxtooyada yimaadeen rag iyagu isa soo doortay oo saaxib oo isku hadaf
ah may ahayn ee duruuftii marka jirtay iyo iyadoo raacis dastoor loo
eekaysiinayo ayey ku yimaadeen mudo yar dabadeed se waxa soo baxday kala
fogaansho in kasto uu mudane AXMED YUSUF YASIIN tanaasulaad badan sameeyey
isagoo eegaya durufaha mandiqada iyo dalkiisa dhibkii badna uu soo maray
inkastoo isku dhac dhowr jeer ahi jiray oo lagu dhameeyey sidii u danta
ahayd mudane DAHIR RIYAALE KAAHIN inta ka dib wuxuu helay DAHIR fursad
qaaliya oo ah marhadan muftaaxii midigta ku haysto meeshii aan doonaba waa
inaan mushaaxa isla markiiba waxa booskii mudane YASIIN buuxiyey nin dhawr
magac leh magaciisa saxa ahna layidhaahdo XUSEEN CALI DUCAALE hase yeeshe
jecel in 2ba magac oo kale loogu yeedho CAWIL ama HIS EXCELLENCY AMBASADOR.
isagoo ka faaidaysanaya wasaarada loo magacaabay oo ah wasaarada maaliyada
oo runtii la odhan karo siduu ku helay oo ahayd nacaybka iyo cayda Mudane
AXMED SIILAANYO oo ay marar badan iyo meelo badan ka soo wada shaqeeyen
hadaynu dib ugu noqono dhamaadii 50dii iyo bilowgii 60dii markii ay UK
ardayda ka wada ahaayeen oo u mudane CAWIL uga si horeeyey mudane SIILANYO
ugu tegey hase yeeshe markiiba ay xagii tacliinta iyo kartida isku dhaafeen
oo mudane CAWIL ku nasiib xumaaday tacliintii dabeedna xaga militariga uga
wareegay halka mudane SIILAANYO uu ku guulaystay oo isagoo PHD holder ah soo
laabtay taasina ay u suuro gelisay inuu dawladihii somalia ee wadaga la ahaa
meel fiican ka gaadho oo runtii la odhan karo wuxuu ka mid noqday raga ugu
caansan bariga africa xaga dhaqaalaha iyo maamulka wanaagsan. halka mudane
CAWIL ka noqday AMBASADOR Nairobi fadhiya markii halgankii bilaabmeyna uu
ahaa sida dad badani ogyahay ragii fara ku tiriska ahaa ee taliskii axmaqa
ee dadka xasuuqayey u adeegayey oo xita mararka qaar la sheego in uu ka
dambeeyey hogaan dhaqameedyo la laayey oo lacagta iyo dibindaabooyinka lagu
furfurayo halganka uu hormood ka ahaa.
sida la ajligeed ayay markiiba heshiish ku noqdeen mudane DAHIR IYO
EXCELLENCY AMBASADOR ama CAWIL madaama aanay himiladoodo higsi meel foog iyo
horumarka iyo badhaadhaha Somaliland aanay ahyn ee keli ay tahay jeebka ka
buuxso dal iyo dadna waxba kaama geline.
ugu dambeyn waanadaydu waxay tahay iyadoo shacabka reer Somaliland uu runtii
shacab aad u fiican yahay oo had iyo goor niyad sami muujiya oo dhibka neceb
in loo geystana neceb ayaan talooyinkan u soo jeedinaya 2dan mudane ee kala
ah MUDANE DAHIR RIYALE KAHIN IYO XUSEEN CALI DUCAALE.
haddii masuulku umadiisa dulmi badan ka galo waa inuu sidan soo socota mid
yeel
INUU SHACABKA SAAMAXAAD WEYDIISTO OO GEFAFKII KA DHACAY HA LAYGA CAFIYO
YIDHAADO
IYO INUU SHAQADA KA TAGO MAR HADDI LA OGAADAY
WAA MAHAD SANTIHIIN.









