BAADIDA RAG BAA KULA DAYDAYI DAALNA KAA BADANE OON DOONAYN INAAD HESHO DAAYIN ABIDKAA
Asalaamu calaykum, Waxaan weligayba u haystay tuducdan iska hadal. Lakiin maanta ayaan aqoonsaday inay dhab tahay oo aan xaqiiqdii arkay, Nin aan u haystay inuu somaliland dadka aadka
u taageera ka mid yahay ama ay dad badanba suura gal tahay inayba sidaa haysteen oo ninkan maqaaladiisa iyo weedhahiisa ay dad badan aad ula dhaceen ayaan ogaaday ka dib markii aan ka helay maqaal uu qoray ayaan la xidhiidhay, Haba la xidhiidhi lahaynaa, waxaanba kala kulmay weji kale oo u qarsoona oo aan runtii u qaadan waayey inay jiraan dad noocan ah, ka dibna waxaan xasuustay xadiiskii Rasuulka (scw) ee uu yidhi“Calaamada munaafiqa waa afar, markuu hadlayo been buu sheega, markuu balamana wuu jabiyaa, marka la aaminana wuu khiyaamaa, markuu cadhoodana wuu caytamaa” Waxaa haboon hadii aad isku aragto calaamadahan inaad toobad keento, Hadii aad qofkale ku aragatana inaad ogaato inuu leeyahay qofkaa sifihii munaafaqa oo aad ka feejignaato, Sidaa awadeed waxaan idiinka digayaa dadka noocan ah oo aan aaminsanahay inay aad u badan yihiin in laga feejignaado, Adigoo ku og calaamadahan aadan saaxiib ka dhigan ama aadan taageerin, Waxaana u badan Siyaasiyiinta oo dadka ku soo jiita been, Waxayba aaminsan yihiin in siyaasada ay been tahay, Run ahaantiina Rasuulkeenii (scw) siyaasi ayuu ahaa, Isagaana nooga filan sawir ku dayasho mudan, Siyaasi buu ahaa weligiina been ma sheegin, Balana wuu gali jiray weligiina balan kama bixin, Aamin bu ahaa oo weligii wax lagu aaminay ma khayaamin, Wuu cadhoon jiroo weligiina ma caytamin, Daahna noogama saarna siyaasiintayada in siday u badan yihiin ay leeyihiin sifooyinka Munaafiqa haday wada lahayn afartaba kan u yar ayaa mid ama laba leh qaasatan kuwa talada hayaa.
Maalin dhaweydna waxaan akhriyey nin sheegtay inuu yahay Gudoomiyaha xisbiga Udub ee Qadar oo ku dhaleecaynayey amaba ku caynayey inay xisbiyada mucaaradka marka aad ka qayb galayso kugu xidhayaan shuruudo, Runtii waa wax lagu qoslo sida ay beryahan dambe taageerayaasha xisbiga udub ula soo baxeen guulwadayn aanan xisbiyada kale lagu arag, markaa maanan la odhan karayn Xisbiga Udub ayaa shuruud ku xidha dadka ku biiraya maadaama ay taageerayaashooda guulwadayaal wada yihiin?
Sharma'arke Maxamed Cumar Qoti
sheeq@hotmail.com