Nejad Oo Ka Baaqday Socdaalkiisii Afrika Iyo Shirkii Hogaamiyayaasha Afrika Oo Ka Furmaya Libiya
Tehran (Waryatv.com), Madaxwaynaha jamhuuriyadda iran Maxamuud Axmed Nejad ayaa gabi ahaanba ka baaqday socdaal uu ku doonayay inuu ku yimaado qaaradda afrika ka dib markii uu casuumaad ka helay wadamada midowga afrika oo maanta si rasmi ah kulan uga furmaya magaalada sirta ee dalka libiya
Baaqashadan safar Maxmuud Axmed Nejad ayaa waxaa shaaciyay saraakiil ku sugan magaalada tehran ee xarunta dalka iiran iyadoo aysan k bixin faahfaahin rasmi oo keentay baaqashada socdaalka axmed nejad ee dalka libiya
Hase ahaatee waxaa jirara warar soo baxaya oo sheegaya inay ka danbeeso qalaalasaha dhinaca siyasadda ee wali ka taagan dalka iiran oo aan laga gaarin wali xal dhameestiran iyadoo wali musharixiinta mucaaradka ee dalka iran ay aaminsanyihiin in lagu shubtay doorashadii madaxtinimo ee dalkaasi
Shirka ka furmaya maanta magaalada sirte ee dalka libiya ayaa ayaa socon doona sadex bari waxaa ka soo qaybagalaya madax kakla socoto dowladaha qaaradda afrika waxaana somaliya ugu qaybgalaya madaxwaynaha dowladda KMG Shariif Sheeq Axmed
Arimaha ugu waawayn ee looga hadlayo shirkan ayaa waxaa ka mid ah
· In loo sameeyo codsigii ka yimid dowladda faderaalka ee somaliya ee ku'aadanayd in midowga afrika uu u fidiyo taageero si'ay dhinaca isaga tuurto islaamiyiinta hubaysan ay dagaalada kula jirto
· Qorshe uu wado madaxwaynaha dalka liibiya mucaamar al qadaafi oo ah inlsameeyo hal dowlad oo ay yeelato qaaradda afrika islamarkaana wadaagta lacagta iyo ciidankaba dowladaas oo loogu magcdarayo dowladaha midoobay ee afrika ama "united states of
· Sidii maalgashi loogu sameen lahaa afrika iyo sidii nabadda kor loogu sii qaadi lahaa
Reported by:
Maxamuud cabdi ibraahim
maxamuud334@hotmail.com
waryatv:-boosaaso/somalia









