Doorashada Somaliland Bur Bur Mise Horrumar?

2010-01-07

Somaliland qaabka ay ilaa 1991-2010 ay Saddex Madaxweyne sifo sharciya isu beddeleen, waa arrin muujin karta qaab dhaqan oo dimuqraadiyadeed oo ka jira Somaliland. Ilaa maanta Somaliland, waxay tahay meel ka nidaam wanaagsan dalal badan oo haysta aqoonsi caalamiya,marka aynu eegno dhinaca kale  iyo  Siyaasadda Somaliland ee ku jaan go’an duruufaha dimuqraadiga ah. Haddii ay dunidu dhiirigelinayso Dimuqraadiyada Maamul, waxay ahayd in Caalamku aqoonsado Somaliland, si loo dhiirigeliyo in dimuqraadiyadu ay ka hirgasho Afrika iyo dalalka kale ee dunida saddexaad kuwaas oo ay ka jiraan dagaalo u badan kuwo ka bilaabmay  siyaasad xumo iyo doorashooyin lagu guul daraystay in loo qabto ama loo maamulo qaab xor iyo xalaal ah.

 

Dhinaca kale  Rabitaanka dawladnimada ee dadka reer Somaliland ayaa u muuqda ilaa maanta  tiirka ugu adag ee lugaha u taagaya maamulka dawladnimo ee ka jira Somaliland,dimuqraadiyadu waa hab ay dunidu qaadatay in qaab dimuqraadiya loo doorto Maamulka ummadda hogaaminaya, waa qaab wanaagsan oo ay tijaabiyeen dalalka ku dhaqmay. Laakiin, sidii si dhaba uu uga hirgeli lahaa dalalka soo koraya ee Somaliland ka mid tahay, waa mid weli su’aalo badan la iska weydiiyo.

 

Sida ay dimuqraadiyad dhammaystiran uga hirgeli karto Somaliland waa hiigsi iyo bartilmaameed ay dadka reer Somaliland ku doonayaan in hogaanka ummada ee guud iyo xataa maamulada ka hooseeyaaba ay noqdaan kuwo si cad oo xalaal ku yimi xukunka iyo majaraha ay qaranka u hayaan.

 

Shaqsi kasta oo ka soo jeeda Somaliland wuxuu si weyn ula socdaa xaaladaha iyo isbedelada dalkiisa curdinka ahi uu dhex muquuran doono sanada cusub ee 2010-ka, waxaana dad badan u muuqda walaac iyo we wer kaga soo fooleh Somaliland wadiiqada ay hayso ee doorashooyinka aan la sadaalin Karin waxa  kaga iman doono, doorashooyinka loo durbaan tumanayo iyada oo aanay  dad badan u muuqan bad weynta cabsidaleh ee ku gedaaman Somaliland, isla markaana aynu maanka ku hayno in geeska Africa oo Somaliland ku taallo uu yahay meelaha ugu cabsida badan dunida, Waa qaraxyo, waa dilal qorshaysan,waa afduub,waa ururo shaadh diimeed xidhan oo aan waxba reebayn, waa siyaasado murugsan oo midba mid mida kale lidi ku tahay, kuwaas oo marka koowaad isku wada raacsan isku mawqifna ka ah in Somaliland cagta la mariyo,

Doorashooyinka Somaliland ayaa qof kasta oo garaad-leh tusaya in yihiin bam ku qarxi kara dalka.

 

Somaliland kuma lumin karno doorasho ku sheeg iyo muran madhalays ah, hadii dalkan cidi doorasho ku ictiraafayso sida ay ku doodaan kuwo badan oo kamid hogaamiyeyaashu, waxaanu waydiinaynaa maxaa loogu aqoonsan waayay saddexdii doorasho ee dalkan hore uga qabsoomay? Ma markii Somaliland dumi wayday-baa mid afraad lagu xidhayaa?

 

Waxa muuqata in dalka aanu ka muuqan jawi suurta galinaya in doorasho xor iyo xalaal ahi ka qabsoonto wakhtigan . sidaa darteed  shacabka Somaliland waxaa la gudboon in ay kala doortaan doorsho khatarteeda leh oo ay galaan iyo in ay  raadiyaan xal kale oo Somaliland lagaga bad baadin karo  turun turooyinka iyo boholaha cadawgu u maleegayo wakhti kasta

 

Waxaan Tallo ugu soo jeedinayaa Hogaamiyeyaasha sadexda xisbi qaran ee dalka ka jira in idinka oo Eegaya khataraha gobolka ka jira wakhtigan iyo cadawga badan ee aynu leenahay in inta aynu gaadhayno wakhti ku haboon doorasho xor iyo xalaal ah oo si qurux badan inoogu qabsoonta,waxaa haboon  in aad  wadaag-taan talada dalka Mar hadii aad tihiin saddexdii xisbi siyaasadeed ee uu qeexayey distoorku oo aad idinku leedihiin awoodda hogaaminta siyaasadeed ee dalka, saddexdiina xisbi ayuun baana leh xilka siyaasadda guud ee dalka, sidaa darteed hadii ay duruuftu keento in la kordhiyo waqtigii ay dhici lahayd doorashada madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, isla markaana uu xukuumadda waqtigeedii distooriga ahaa dhamaaday ,go’aan-kii  Guurtiduna uu  muujinayo in aan lagu wada qanacsanayn loona baahan yahay doorasho lagu wada qanci karo, waxa lagama maarmaan ah inaad saddexdiina hogaamiye  xisbi-qaran aad wada dhistaan  xukuumad wadaag ah oo si wada jir ah  u maamusha talada dalka ilaa mudo dambe oo  inoo saamaxaysa  doorasho  si nabad iyo  dimuqraadi ah inoogu dhacda..

 

         Somaliland Guul

 

  Mohamed Abdi jama

 Hargeisa/Somaliland

E-mail: mabdi1@hotmail.com

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com