Muxuu Pension u qaadan waayay? By : Stockholm Boy - Muuse M. Ciise ( Dalmar )

2010-01-08

Muuse M. Ciise ( Dalmar )

waxa uu ahaa raad-barad. Waxayna ku beegnayd dabayaaqadii Siddeetamaadkii, markii Mooge iyo qoyskiisu soo galeen Yurub iyagoo ka soo qaxay dagaaladii qadhaadhaa ee wakhtigaa socday. Qoyska Mooge waxa uu ka mid ahaa qoysaskii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed ee soo gala wadankan iyagoo magangalyo doona. Mooge qoyskiisa oo ka koobnaa aabihii Hurre, hooyadii Caawiya iyo laba gabdhood oo ay walaalo yihiin waxay nolol cusub ka bilaabeen Yurub. Mooge maadaama uu aad u yaraa markii uu Yurub soo galay waxaa u sahlanaatay inuu la qabsado noloshii reer galbeedka. Waxa uu bilaabay waxbarashadii dugsiga hoose isagoo ka gaadhay ilaa heer jaamacadeed.


Dhibaatooyinka aan la soo koobi karin iyo dhiilaha laga soo sheegayo Soomaaliya Mooge waxay ku ahayd uun sheeko, maadaama uu isagoo yar ka yimid wadankii, sidaa darteedna aanu garan karin waayaha nololeed ee ka jira wadankii uu ku dhashay.


Waxay ahayd galab Khamiisa, Mooge iyo hooyadii waxay fadhiyeen qolka fadhiga. Waxay daawanayeen Tv-ga. Waxaa dananay telefoonkii ( dhalalam... dhalalam..).


Hooyo Caawiya oo fadhiday meel aan sidaa uga sii fogayn meeshii uu telefoonku yaalay, ayaa waxay qabatay telefoonkii. Hello... Waa kuma? …. Adeer waa anigee sideed tihiin?.


Caawiya. Adeer waa Ilaahay mahadiiye. Adigu sideed tahay?

Qawdhan. Adeer Caawiyaay waanu iska fiicanahay. Dee abaaro xunbaa sanadka na helayoo Ilaah uunbaa xaal og. Ana waan iska faro madhanahay, baryahana adeer bukaanbaan iska noqdoo walaahi xaalkaygu ma wacna. Dee da´na adeer way ii raacdaa.

Caawiya. Bisinka! Adeer sidee laguu hayaa?

Qawdhan. Adeer in dhawaydba macaanbaan yeeshayoo, waan iska jilicsanahay.

Caawiya. Adeer miyaanad dhakhtar iyo wax tagin? Maxaad isku eeganaysaa?.

Qawdhan. Adeer wax la´aanbaa jirtoo, waxaaban islaa haday Caawiya wax kuu hesho aad dhakhtar iskala quusatid sanadkan maanta ah.

Caawiya. Waa si fiican adeere, bari ayaan xawaalada kuu soo dhigayaa dhowr boqol oo Doolare, dee hays eegane dhakhtar tag.

Qawdhan. Waayahay adeer. Ducaad qabtaaye. Waxaan maanta isku hubo aduunbaa jira´e. Nabad galyo adeer.

Caawiya. Nabaadiino adeer.



Markii ay hooyo Caawiya telefoonkii sidaa u dhigtay. Ayaa Mooge oo goorahanba hadalkeeda maqlayay, waydiiyay cidii ay la hadlaysay. Waxaana dhex martay sheekadan.




Mooge. Hooyo waa ayo?

Caawiya. Hooyo waa awowgaa Qawdhan, oo jooga Soomaaliya.

Mooge. Oo muxuu doonayay?

Caawiya. Walaahi hooyo waaban ka naxay maanta. Waan xanuusanayaa buu igu yidhi. Xoolihiina way ka dhamaadeen. Walaahi adeerkay aadbuu noogu roonaa markii aanu yar yarayn ee aabahay dhintay. Isagaa na masruufi jiray, Adeer wanaagsan weeyi oo aanan abaalkiisa gudi karin.

Ilaahow wax iigu soo dhiib hada wuu iska darxumaysan yahaye.

Mooge. Oo muxuu kuu soo wacayaa miyuu PENSION qaato.




Muuse M. Ciise ( Dalmar )

haji_dalmar@hotmail.com

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2013 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com