Qarax Gil-Gilay Caasimada Pakistan

Source: waryatv
2009-07-02

Islamabad/Rawalpindi (Waryatv.com), Qarax loo adeegsaday mooto ayaa waxaa uu ka dhacay dalka Pakistan gaar ahaana magaalada Rawalpindi waxaan qaraxaasi ku naf waayey hal qof ilaa iyo hada.

Qarax ayaa waxa lala beegsaday bas ka mida basas-ka qaada shaqaalaha Nuclear ka ee magaalada Rawalpindi, sida ay sheegayaan booliska magaaladaasi.

Geesta kale ilaa hada waxaa jirar wara dheeraada oo ka soo baxaya qarax kuna saabsan tirade dhimashada ee halkaasi ku naf waayey, Nasir Durrani oo ah madaxa booliska Rawalpindi ayaa sheegaya in tirade dhimashadu tahay lix qof, waxaanu intaasi ku daray in ay jiraan wali tiro rasmi ah oo halkaas ku qudh baxay.

“Ilaa hada waxaa jira tiro lagu qiyaasay 25 qof oo ay soo gaadheen dhaawacyo fududu oo ka dhashay duul duulka taangiga mootada lagu fuliyey qarax” sidaasi ayuu yidhi Nasir Durrani oo ah madaxa booliska ee Rawalpindi

Ilaa hada waxaa xidhan wadooyinka waaweyn ee caasimada, ilaa iyo inta laga helaayo sababta keentay qaraxan iyo cida ka danbaysay

Todobaad ka hor ayey ahayd markii boolisk pakasitan soo sareen in jiraan niman looga shaki qabo in ay xidhiidh la leeyihiin ururka Taalin oo ay tiradoodu gaadhayso 21 qof, isla markaana ka soo gudba xadka labada dal.

Magaalada Rawalpindi waxay aad ugu dhawdahay caasimada Pakistan ee Islamabad siiba waxay qarka u sii saaran tahay saldhiga dhexe ee ciidamada Pakistan.

 

Xafiiska Warark ee Waryatv
Burao/Somaliland
Reported by:-
Ibraahim Abdirahman Qaasim
ibrahimqasim@waraytv.com

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com