Halkuu Biyo Dhigan Doona Muranka Dhexyaala Guurtidu?

2010-01-08

Halkuu Biyo Dhigan Doona Muranka Dhexyaala Guurtidu?

 

Sida Ayna Madexweyne Ku Xigeenka Somaliland Ugu Baananayn In Uu Kala Diro Golaha Wasiirada Madexweynahoo Maqan,Ayey Xaaran Uga Tahay Ku Simaha Golaha Guurtidu In uu Wax Ka Badal ku Sameeyo Golaha Joogtada Ee Guurtida.

 

 
Muranka soo laba kacleyey ee Golaha Guurtida isagoo uu dibada uga maqan yahay Gudoomiyihii Golaha Guurtidu waxay wax  yar ina xasuusinaysaa siyaasada aan cagaha adag ku taagnayn iyo ku tumashada sharciga ee loogu adeegayo Madexweynaha taas oo yeelan kartaa cidhib xumo weyn oo samaynteeda ku yeelataba gabi ahaanba geedi socodka dimiqraadiyadeed ee dalku hada cagta saaray.
 
Sida loola Degdagaayo hawshatan iyo dardarta la galiyey wax ka badalka golaha joogta ah Guurtidu maha mid ku yimid si nasiiba iyo wakhtiga oo iskeenay basle waa fursad qimo leh oo in badan la naawilayey  in lagu talaabsado hawlo badan oo laga faaiidaysan karo maqnaanshaha gudoomiyaha. Taasi hirgalintaankeedi waa mid lagu bixiyey lacago badan iyo afmiishaaro badan oo dawlada taageeraana ay gacan hiil iyo hooba ka geysteen si loo fududeeyo ka takhaluska Gudomiyaha. Culusna loogu saaro Gudoomiyaha Guurtida oo u muuqday tan iyo intii qalaalasaha siyaasadeed uu dalka ka jiray mid u madex banaan afkaartiisa balse loo tirinayo in uu noqday nin waabin kara Madexweynaha hada jira oo ay wakhti isku jaal ahayeen.
 
Hadaba hadii ay dhacdo in la badalo Gudoomiyaha oo Maqan miyey jirtaa sharciyo loo marayo? Maxa ka dhalan kara tan iyo intii la asaasay Golaha Guurtida oo hawsha weyn ee loo igmaday ahayd dajinta khilaafadka iyo nabadaynta beelaha hadii iyada lafteedu uu dabku ka dhex qarxayo oo ay isku muuqdeen miyuu ka baxay doorkii weynaa ee ay umada ku lahayeen? Muxuu se sumcad ahaan iyo awood ahaan noqon doonaa Golaha Guurtidu? Ma dheeliyi doonta hanaan kii dawladeed ee Somaliland ee ku salaysnaa sadexda dhadhaar? Ma fududahay in la qancin karo shacbi weynaha jecel nidaamka iyo ilaalinta sharciga dalka? Mise wali wax ka weyn baa soo socda oo waxa lala sugayaa in Saleebaan soo laabta marka uu yimaadana golihii oo ilkiihii laga sii guray si fudud hadhow looga tuuro meesha? Ma u muuqata in dalku mar labad sii gali karo jawahawareer siyaasadeed oo cimri dherer u noqon kara Madexweynaha hada talada haya? Maxaa soo kiciyey hada lurka iyo hadal  haynta in laga tuuro Salebaan maadaamooyna jirinba Wakhti ka dhacaya Madexweynaha?
 
 
Suaalahaasi waa kuwo u baahan in si cilmiyeysan loo galo iyadoo la raadinayo aqoon yahano iyo siyaasiin wax badan ku soo jiray siyaasada aqoona u leh maamuulka jira. Balse hadii aan wax yar ka iftiimino hortaba sahal noqon mayso in Gudoomiyaha Guurtada oo wadanka dibad uga maqan laga tuuri karo kursiga isagoon loo adeegsan karin haba yaraate wax sharciyad ah oo ku waayi karo Gudoonkiisa. Wax inta ka baxsana ay noqon karaa afgambi ay adag tahay sharciyadiisu. Waxay u muuqata in la wiiqay taageeradii iyo awoodi uu golaha ku dhex lahaa Gudoomiyuhuu taaso sahal ka dhigi karta in Gudoomiyuhuu noqdo gacan kaliyaale meelo badan laga soo wareeri karo. Waxana u muuqdaa hadii ay dhabowdoo oo ay sida ku hirgasho ansixinta iyo meel marinta wax ka badalkaasii Gudoomiye si xun loo dhawaacay basle haysta wali fursad uu ku sii badbaadi karo.
 
Dhanka Madexweynaha waa isku akhiro seegaan, waana ku madex adkatay waxana uu u dhaqmaa si nin ka madex baanan maamuulka jira iskana fogaynayaa in loo tiriyo nin u adeega Madexweynaha, waxaa inta badan looga bartay sanadihi danbe Saleebaan nin odaya oo ilaalinta nabad galyada, wada jirka iyo in Somailand ay noqoto mid ku qotonta sharci iyo dastuur balse aan looga danbayn qof qudha ee qaranka qolo waliba loo tix galiyo waxa ay mudan tahay. Taasi oo aan maamuulka jira aanu ogalayn.
 
Golaha guurtida oo wax badan sumcadii uu ku laha dadweynaha ay horeba u wiiqan tahay dhawaac xooglihiina uu ka soo gaadhay sida aanay wax weyn uga qaban cabashada dadweynaha ee mamuulka jira ayaa hadii ay tanina hirgasho noqonaya gabi ahaanba Gole waayi doona milgihii iyo karamadii uu ku dhex lahaa bulshada. Taasina waxay dhabar jab weyn ku noqon doontaa doorkii dhexdhexaad ee ay bulshada ku dhex lahayeen, waxayna meesha ka saari doontaa wax kasta oo laga amiinsanaa guurtida hawlihi ay qaban jireena waxay noqon kuwa cidla ku dhaca.
 
Guurtida waa in ay wax badan ka taxadirta oo dalkan iyo dadkanba galin kara mustaqbal madow, idhadheerna ha u yeeshaan nabad galyada wada jirka iyo midnimada beelaha Somalilnad iyagoo ka dhabaynayaa dhaartii ay u mareen umada tan oo ah in ay wax walba wafajin doonaan dhaqanka diinta iyo dastuurka. Sharafta iyo karaamo ay umada tan ku sii sogootiyaan baa uga mudan in cimri tagay ay ceeb ku sagootiyaan.
 
Daauud Gilingill
Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2013 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com