JAALIYADA BEESHA MADHIBAAN EE DALKA JARMALKA OO SOO DHAWEEYAY GO´AANKII EE AY SALAADIINTA BEESHA HABARYOONIS KA QAADATAY,MASHRUUCII KUUL CARRE.
2010-01-08
jaaliyada beesha Madhibaan ee ku nool dalka jarmalka ayaa si weyn
u soo dhaweeyay go´aankii ay wax garadka beesha Habaryoonis ka
soo saareen,shirkii Burco kaas oo ahaa in kuul carre aysan marna ka
mid noqon karin,beesha Habaryoonis waayo kuul carre waa beel ku
abtirsata beesha Maxamed Barre ee Madhibaan,sidaa datreed Mahdi
Ismaaciil oo ku hadlaya magaca jaaliyada beesha Madhibaan ee dalka jarmalka
waxa uu yiri talaabada ay qaateen salaadiinta beesha Habaryoonis,waa mid laga
filayay isla markaana si cad oo aan ka leexleexad lahayn,ugu sheegay kuwii watay
mashruucaas in aysan suurta gal ahayn,in kuul carre ay ku abtirsato beesha Habaryoonis.
waxaa kaloo Mahdi Ismaaciil isagoo ku hadlaaya magaca jaaliyada beesha Madhibaan,
waxa uu halkaan mahadnaq uga soo dirayaa Suldaanka Beesha Madhibaan Daakir
xasan khaliif,oo aanan habeena seexanin intii uu socday mashruuca kuul carre,wuxuuna
beesha uu u yahay Suldaanka u muujiyay in qolo ku abtirsata beeshiisa,aysan geli karin
beel kale waayo taariikh dhigan cidna wax kama bedeli karto ayuu hadalkiisa ku soo
gabagabeeyay Mahdi Ismaaciil oo ku hadlaayay magaca jaaliyada Madhibaan ee dalka jarmalka.
CABIRASHIID SHAAM
BONN DALKA JARMALKA
shaamabdi977@msn.com









