Ha loo Noqdo Hidihii iyo Dhaqankii (Food saar Dabo saar loo rogay) Qalinkii: Keyse Maxamed

2010-01-10
Sida caadiga ah wadan kastaaba waxaa uu leeyahay dhaqan iyo caado u gaara oo uu ku faano oo aan marnaba laga dul talaabsan Karin.

Hadaba dadka soomaalida ah ayaa ah kuwo suugaanta ku dhaata, taariikhdoodana ku xusa duug reebna ka dhigta ama ku kaydiya dhacdoooyinka ma dhaafaanka ah, iskuna tusaaleeya marxalaha wajiyo badanta ah ee ay noloshoodu la daristo iyagoo sawiro iyo muuqaalo kala gadisan ku suntaya .

Waxaanay sugaantu ugu calaamadsan tahay heer ama marxalad aad u saraysa, qofkasta oo hal abuur ahina waxa uu umada uu la nool yahay ku dhexlahaa karaamo, cisi, sharaf, iyo tix galin gaara . Sidoo kale hal abuur kastaaba waxaa uu ku mudnaa inta uu murtida uu leeyahay xirfada dheeriga ah ee ilaahay hibada u siiyey.

Tusaale ahaan Abwaanka gabayaaga ahi waxuu ahaa mid lagu sharfo laguna tix galiyo hibadiisa gabayaanimo. Sidoo kale hoobalka cayaaraha Gole ka fuulka ka heesa waxa uu qadarin ku dhex lahaa bahda ciyaaraha iyo bulshada uu la nool yahay .Sidaasi ayaa uu hal abuur kastaaba ugu jahaysnaa meesiga uu suugaanta ka maali yaqaano.

Hadii aynu hoos ugu daadegno badwaynta suugaanta ayaa waxay u kala baxdaa fariiqooyin lagu kala suntayo habdhaca farshaxanimo iyo haybta gaarka ah ee ay ku kala abtirsadaan.Tusaale ahaan :

- Gabay,

- Geeraar,

- Guurow,

- Jiifto,

- Masafo,

- Buraanbur,

- Iyo Hees hawleedyo midkastaaba waxaa uu lahaa hab dhac iyo luuq u gaara oo baadi sooc u ah.

Balse wakhtiyadan danbe ayaa waxaa suugaantii ku habsaday cibaaro yaab leh oo ku hogaamisay inay ka baxdo kaalintii muhiimka ahayd ee ay kaga jirtay dhaqanka soomaalida kadib markii dhalinta da,yarta ahi waayeen cid ka taa kulaysa oo ku hanuunisa wadiiqada saxda ah .


Waxaa aan marnaba meesha ka madhnaan Karin oo mudan in la xuso lagana tiiraanyoodo karaamadii iyo sharaftii ay lahayd Suugaantu oo u muuqda mid ka sii dhacaya haadaan , taasi oo loo sababayn karo jiilasha danbe oo intooda badani ay noqdeen kuwo ay iskaga dhex daadsan tahay iskagana dhex milantay badwayntii suugaantu.

Taasi oo ay cadaynayso in hal abuurkii kasta ee curiya afaray khaafiyadaysan uu sheegto Abwaan Gabayaa ah, isagoon u meel dayin halka ay kaga abtirsato tixda uu tiriyey badwaynta suugaanta. Sidoo kale waxaa jira qaybo badan oo suugaanta ka mida una muuqda kuwo meesha ka sii baxaya sida:


XXXXXXXXXXX

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2013 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com