BAADIDA RAG BAA KULA DAYDAYI DAALNA KAA BADANE OON DOONAYN INAAD HESHO DAAYIN ABIDKAA

2010-01-10
Asalaamu calaykum, Waxaan weligayba u haystay tuducdan iska hadal. Lakiin maanta ayaan aqoonsaday inay dhab tahay oo aan xaqiiqdii arkay, Nin aan u haystay inuu somaliland dadka aadka

u taageera ka mid yahay ama ay dad badanba suura gal tahay inayba sidaa u haysteen oo ninkan maqaaladiisa iyo weedhahiisa ay dad badan aad ula dhaceen ayaan ogaaday ka dib markii aan ka helay maqaal uu qoray ayaan la xidhiidhay, Haba la xidhiidhi lahaynaa, waxaanba kala kulmay weji kale oo u qarsoona oo aan runtii u qaadan waayey inay jiraan dad noocan ah, ka dibna waxaan xasuustay xadiiskii Rasuulka (scw) ee uu yidhi“Calaamada munaafiqa waa afar, markuu hadlayo been buu sheega, markuu balamana wuu jabiyaa, marka la aaminana wuu khiyaamaa, markuu doodayana wuu caytamaa Waxaa haboon hadii aad isku aragto calaamadahan inaad toobad keento, Hadii aad qofkale ku aragtana inaad ogaato inuu leeyahay qofkaa sifihii munaafaqa oo aad ka feejignaato, Sidaa awadeed waxaan idiinka digayaa dadka noocan ah oo aan aaminsanahay inay aad u badan yihiin in laga feejignaado, Adigoo ku og calaamadahan aadan saaxiib ka dhigan ama aadan taageerin, Waxaana u badan Siyaasiyiinta oo dadka ku soo jiita been, Waxayba aaminsan yihiin in siyaasada ay been tahay, Run ahaantiina Rasuulkeenii (scw) siyaasi ayuu ahaa, Isagaana nooga filan sawir ku dayasho mudan, Siyaasi buu ahaa weligiina been ma sheegin, Balana wuu gali jiray weligiina balan kama bixin, Aamin bu ahaa oo weligii wax lagu aaminay ma khayaamin, Wuu cadhoon jiroo weligiina ma caytamin, Daahna noogama saarna siyaasiintayada in siday u badan yihiin ay leeyihiin sifooyinka Munaafiqa haday wada lahayn afartaba kan u yar ayaa mid ama laba leh qaasatan kuwa talada hayaa. Waxyaabaha aan si gaara farta ugu fiiqayaa in laga foojignaado waxaa ka mid ah:

1- Culimada ku dhuunta diinta, iyagoo dana gaara leh, Gaar ahaana kuwa ku dooda madaxbanaanida Somaliland waa tafaraaruq, kuwaa waxaan leeyahay diinta uma aysan soo degin somali oo qudha ee Umada oo dhan ayey u soo degtay, Maalinta ay miis isugu yimaadaan Umada muslimiinta Somaliland kama gaabinayso inay uga sii hormarto miiska mooyee, Diintayada ma diidana in dad dhistaan dawlad iyo maamul, Lakiin ku salaysan shareecada, shareecada inaan isku xukuno waanu jecelnahay, Culimo Muwaadiniina waanu leenahay dibada ugama baahnin culimo, Insha'Allah si nabada ayaanu ku gaadhi doonaa oo u noqon doonaa Umad islam ah.

2- Abwaanada nagu qaldaya afka aanu u dhalanay, tusaale Cali seenyo heesta uu sameeyey ee calanyahow ha dhicin, Heestan gaar uma aha calanka Somaliland ee xitaa waxaa loo qaadi karaa kan Yuhuuda, Sidaa awadeed uma qalanto astaan inay u noqoto Calanka Somaliland.

3. Siyaasiyiin uu ka mid yahay buubaa oo marwalba ku hadaaqa Hargeysaan iman welina waan aaminsanahay midnimadii walaweynta, waa in ninkaas oo kale layska ilaaliyaa, sababtoo ah wuxuu naga wiiqi karaa nabada yar ee aanu laxooxda ku cuno, Maadaama aan la aamini karayn.

Maalin dhaweydna waxaan akhriyey nin sheegtay inuu yahay Gudoomiyaha xisbiga Udub ee Qadar oo ku dhaleecaynayey amaba ku caynayey inay xisbiyada mucaaradka marka aad ka qayb galayso kugu xidhayaan shuruudo ay ka mid tahay inaad caydo Xisbiyada mucaaradka, Runtii waa wax lagu qoslo sida ay beryahan dambe taageerayaasha xisbiga udub ula soo baxeen guulwadayn aanan xisbiyada kale lagu arag, Markaa maanan la odhan karayn Xisbiga Udub ayaa shuruud ku xidha dadka ku biiraya maadaama ay taageerayaashooda guulwadayaal wada yihiin?



Sharma'arke Maxamed Cumar Qoti

sheeq@hotmail.com

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com