Maxaa ku Dhacay Damiirkii Dadka Soomaaliyeed
Dadka Soomaaliyeed waxa ay lahaayeen tusaalooyin xikmadi ay ku jirto khaasatan marka ay doonayaan in ay wax cabiraan iyadoo dadka Soomaaliyeed waxyaabaha ay hodanka ku yihiin sida xoolaha nool iyo kheyraadka kale dabiiciga ah ay wax ku cabiraan. Maandeeq waa magaca hal geel ah waxaana loola jeedaa gobanimada iyo wanaaga ay leedahay..
Ummada soomaaliyeed waxay ahayd mid aad isugu damqataa aadna isu jecel si weyna uga soo horjeeda in la gumeysto , taana waxa ay suura gelisay in ay isaga baxaan gudaha soomaaliya dhamaan gumeystayaashii markii ay arkeen in ay dadka soomaaliyeed ay yihiin kuwo aad isugu xiran oo aanay jirin duleelo laga soo gali karo. Tusaale hadii aan usoo qaadano 1dii July1960kii waxay gumeystihii Talyaaniga ay ka heleen Xoriyad buuxda waxayna ahayd 12kii caweysnimo markii calankeena buluugga ah ee shanta gees ay dhaxda kaga taalo la taagay isla maalintaasna waxaa wada midoobay goboladii koofureed iyo kuwii waqooyiga oo iyagu 26kii june 1960kii xorinimada helay
Munaasabadaas qiimaha badneyd ayaa waxaa laga tiriyay suugaan badan oo ay kamid tahay iyadoo xorinimada laga hadlayay laguna halqabsanayay Maandeeq
( WAX DHAMAA MUGDI IYO MADOOW KU JIRNAYE MAANTEE CURATEE AAN MAALNO HASHII MAANDEEQ)
Soomaalidu waxa ay ahaayeen kuwo la dagaalama cadow kasta oo isku daya inuu kusoo gardarooda ciida soomaaliya taana waxa ay suura galisay in ummada soomaaliyeed ay yeelato dowlad aduunku aqoonsanyahay. Laakiin 1990kii markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee Soomaaliya oo uu hogaaminayay Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre ayaa waxaa wadanka soomaaliya ku dhacay nasiibdaro aan dahsooneyn waxaana ka mid ahaa calankii buluuga ah ee xidigta shanta geesood dhaxda ku lahaa ayaa waxaa mid kamid ah geesaha waxay ku dhawaaqday sanadii 1991dii in soomaaliya inteeda kale ay ka go’day, sidoo kale israacii iyo qaranimadii dhiiga badani uu ku hoobtay oo meesha ka baxay. Shacabka soomaaliyeed oo noqday kuwo ay ku yar tahay damiirkii iyo damqashadii wadaninimo.
Sanadba sanadka ka dambeeya waxaad arkeysaa in uu ka sii darayo, tasoo na gaarsiisay in muddo 20 sano ah dadka soomaaliyeed ay ku dhameystaan barakac aan dhamaad lahayn iyagoo aan garaneynin meesha ay ka qaxayaan iyo halka ay u qaxayaan. Mana ahan arrin ku cusub dhegaha iyo indhaha dadka kunool gudaha dalka soomaaliya oo in ay maalin walba arkaan ama maqlaan dhibaato cusub .
Sanadkaan waxyaaba layaabka leh oo aysan dadka soomaaliyeed dhaqan iyo diinba ulaheyn ee ka dhacay gudaha soomaaliya waxaa ka mid ahaa qof isku qarxinaya dad soomaaliyeed oo rayid ah dhexdooda, iyadoo qaraxii ugu horeeyay ee qof isku qarxiya ka dhacay 18 June 2009-ka Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo dad badani ay ku geeriyoodeen qaar kale oo farobadanina ay ku dhawaacmeen waxaana ka mid ahaa Cumar Xaashi Aadan, wasiirkii amaanka dawladda Soomaaliya.
Is qarxintii ugu dambeeysay ee murugada badnayd waxaa ay ka dhacday hoteelka Shaamoow ee Magaalada Muqdisho 3-da Desember ee sanadkaan iyadoo ay halkaasi ay ka socotay xaflad lagu maamusay arday ka qalan jabineysay kuliyada caafimaadka oo ay muddo 7 sano ah oo xaalad adag lagu jiray wax ku baranayay iyagoo guryahoodii kaga soo baxay jawi faraxsanaan iyo raynrayn leh, kuna haminayay in ay wixii ay soo barteen uga faa’iideeyn doonaan bulshadooda, laakiin damiirlaaweyaal naxariista ka tagtay ayaa galaaftay dad badani oo isugu jiray masuuliyiin ka tirsan dowlada kmg dhaqaatiir saxafiyiin arday iyo qaar kale.
Ma aysan jirin cid sheegatay in ay ka damneeysay qaraxii musiibada ahaa ee ka dhacay hoteelka Shaamoow , laakiin dad badani waxa ay isweydiinayaan kooxihii ku faani jiray qaraxyada qaar in ay iyagu ka dambeeyeen ma waxa ay ka baqeen maadaama arday iyo dad badani oo bulshada wax u hayay ku dhinteen , qaraxaasi hadii ay sheegtaan in shacabku ay kacaan oo laga soo horjeesto.
Dadka soomaaliyeed waxa aad moodaa in uu damiirkoodu sii dhimanayo tusaale ahaan maalinnimadii uu qaraxa murugada badan dadka ku abuuray ka dhacayay hoteelka Shaamoow ayaa waxaa qeyb ka mid ah caasimada soomaaliya ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo xil ka qaadistii General Cabdi Qeybdiid oo ay soo qaban qaabiyeen qaar kamid ah taageerayaashiisa.
Inkasta oo meelo badan oo caalamka ah ay ka dhaceen banaanbaxyo ay dadka soomaaliyeed uga soo horjeedaan qaraxii uur ku taalada lahaa ee ka dhacay hoteelka Shaamoow, haddana inta badan dadka soomaaliyeed waxay bahdileen qaranimadoodii ,iyo sharaftodii, waxayna ka jecleysteen qabiil iyo koox , taasoo keentay in si aad ah loogu tunto xuquuqdii iyo sharaftii uu lahaa qofka soomaaliga ah, waxaanan shaki ku jirin in xagga Alle aan ka galnay dambi aad u tiro badan.
Dadka soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan aqoonyahanadii, waxgaradkii, culumaaudiinkii, iyo dadkii kale ee rayidka ahaa ayaa noqday mid dhinta, mid darxuma ay ku heysato qurbaha, mid ku dhibaateysan gudaha dalka, iyo mid isagoo tahriibaya Badda ku dhinta ama saxaraha.
Shacabkii dhulkeygee dhibaatada ku raagtoow
wixii dhayma aragtaan
dhuuxii bulshada in la dilo
dhaqaatiir dhaqan aanan gayinoo
cidii dhimir leh taabtiyo
inuu yahay dhag xumadeen
iyo dhabar jabkeeniyo
xaajo dhiila leh diina loo dhaweyn karin dhab
Alle marqaatiga maka dhowrsaneysaan
dowladeena dhalatiyo ma dhurwaa ari la raacshoo
dhamaan laga sugaayaa
dhawdhaw iyo wada sheekh ma wada dhagar qarsoon iyo dhibaynan kareynbaa
calankaan dharaartii gumeysigu dhaqaajiyay
dhidibada u taagnee dheehiisu midabkuna
samadoo dharqabinoo dhalaaleysa uu yahay
dhankastaba ka eegoo maxaa dhaqan xuma iyo dhib diineed u leeyahay
ee gacalkeey dhab ahoow intaad dhabarka xirataan
qoloqolana dhaaftaan
kurtiin dhagaxa tuuroo ka dhiidhiya
xumaha jira dhibka hana daayee
Isku duubni Soomaalaay ee dantaada garo
Guntii iyo gabagabadii waxaa muhiim ah in qof walba oo soomaali ah uu iska baaro damiir wadaninimo, isla markaana uu ka shaqeeyo sidii aan u soo ceshan lahayn sumcadii iyo sharaftii qaranka soomaaliyeed uu lahaa , oo aan meesha ka saarno qabyaalada, kooxaysiga iyo nin jecleeysiga si aan uga baxno dhibta aan ku jirno.sanadkaan soo socdana aan Ilaah ka barino dalkoo nabad ah iyo dadkoo sharaf leh.
Nasra Mohamud Elmi
(Nasra Degan )
Natherland.









