Hal abuurka Maansada Mubarak Mohamed Nur “qoorubaxay”
Waxaanu Maanta idiin dooray qayb ka mid maanso la yidhaaho Hal abuurka maansada oo uu tiriyey Mubarak Mohamed Nur Qoorubaxay , wuxuu tiriyey sanadkii 1987 waqtigaas oo uu ka tirsanaa Abwaanadii kooxdii DANAN ee Mogadisho, Maansadan oo aan halkan Ku dhamayn waxaanu idiin soo gudbinaynaa Qaybo ka mid ah: Halkan Riix oo ka dhegayso
Hal abuurka Maansada
Higaadiyo Tix raacii
Hilinkiyo Ujeedada
Ku haloositaankii
haybad iyo xishoodiyo
Ku hadoodil sharafkii
Habrashada xaqdhawrkii
Hubsiimada Odhaahdii
Hibo eebe weeyoo
La iskama helaayoo
sida hebelo qaarkood
Iyagoon u hoga dayin
La iskama hawadiyoo
sida hawtul hamagii
halaskiyo dhimbiilaha
Habaq lama yidhaahoo
Sida Habid Caruureed
La iskama hadaaqee
Hal waxaan ku odhan laa
jiiftada u Huri laa
Ama hilayga ceebtiyo
Haylaha Xumaantaba
Huwinlaa u xidhi laa
hengel Boosta sudhi laa
Hawraarta gabaygiyo
Hindisihiyo Luuqadana
Hungo Madhan Ka diri laa
Hagrashay Ku maashee
Suugaantaa halayseen
hareer kale u weecdoo
Ka horbaydha Odhan laa
inta Daba hadhlaysee
lagu hoday Sunuudee
Hamigoodi iibsaday
Ee harag abwaanloow
Shareeco u horseed yahay
Ba’doo hoogtay Maansadi
Habeen baa u dumay baas
Nin kastaa Ma Hidiyaa
Af Nooliba Ileen Hadal
Holatana Ma Naag baa ?
Nin hal hays ka hadhi karo
Heemaalna kaa Roon
Dhulka hees ku dhicin kara
nacabkana handadi kara
Umadiisa hagi kara
Dagaala u hormayn kara
Inaad u hambalyaysoo
Amaan Huwiso Mooyee
lama Huda Hudeeyee
Halawaasi beenloow
hungooy Janan la moodkii
hawadiisu lumisoow
Hooshaari socotoo
Hindiwaasi luudoo
Horta Xidhatay Derajee
Halgankii xornimadii
Hayaay Iyo Kacaydii
Hirey iyo wireydii
Hangool maadan sidanoo
Maad Hurin naftaadoo
Geelaad horaysaye´
Hadmaad goysay nacaboo
Aad lib soo haleeshoo
Garoomahan la soo helay
Maamul gabay halkiisii
Shacabkiina hiifeen
Hororkiyo waraabahan
Dhaqaalii ka hiinsaday
Ee hanadadii kacay
Hilbahoodi baqayiyo
Cidla Haadka ugu wadhay
Hanfog culimo diimeed
Xaqa haybinaysana
Halhaleel u gawracay
Haduu kuu xil qabo Adi
Baradaadu hodan tahay
oon Lagu hafraynoo
Hor ilaahay lala tegi
Awr Heeryadii Cunay
Ma Hogaansamaayee
Haasaawe aan Jirin
Yaan Haraadku Kugu Dilin
Horay baase Loo yidhi
habartii Naq Joogtaa
In dad wada Hayaabay
Hiyigeeda Moodaa
Adinkuna Habkeedii
Ayaad Haatan Joogtaan
Dibiraa Higootaan
Haweenkiyo Caruurtuna
Macaluusha Halaskay
Baahidu ku haysaa
Hambada uma Daysaan
Allaylehe Habaaroow
Noloshiinu Waa halis.
Mubarik Maxamed Nuur ^ Qoorubaxay ^









