Kooxaha Al-shabaab Iyo Xisbul-islaam oo Qarka u Saaran In ay Gacanta ku Dhigaan Madaxtooyada Somaliya

Source: jamhuriya online
2009-07-03

Khasaaraha Dagaallo Culus oo Shalay ka Qarxay Qaybo ka Mid ah Muqdisho

Muqdisho (waryatv.com)- Kooxaha Al-shabaab iyo xisbul-islaam, ayaa qarka u saaran in ay gacanta ku dhigaan xarunta madaxtooyada Somaliya ee fadhiisinka u ah dawlada Sheekh Shariif, kadib markii ay guulo waawayn ka soo hooyeen dagaalo qadhaadh oo maalmihii u dambeeyey ka socday magaaladda Muqdisho.

Sida xalay laga faafiyey telefishanka Al-jazeera, qaybtiisa afka carrabiga ku hadasha, waxa xoogaga islaamiyiintu ku sii siqayaan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen xarunta madaxtooyada, isla markaana ula wareegi lahaayeen guud ahaanba koonfurta Somaliya oo inta badan ay hada ka taliyaan.

Dagaallo qadhaadh oo lagu hoobtay, ayaa gelinkii hore ee shalay markale dib uga qarxay deegaanno ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Dagaalladan oo u dhexeeya kooxaha Al-shabaab iyo Xisbul-islaam oo isku dhinac ka soo jeeda iyo ciidammada dawladda Sheekh Shariif oo maalmihii u dambeeyey isku horfadhiyey deegaannadaas, ayaa sababay khasaare ballaadhan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Iska-horimaadyada ka soo cusboonaaday xaafadaha Yaaqshiid iyo Kaaraan ee Muqdisho oo ay wehelinayeen duqayn culus, ayaa daba socday dagaallo aad u kulul oo labadii maalmood ee u dambeeyey labada dhinac ku dhexmarayey deegaannadaas, iyadoo ilaa xalay qaybo ka mid ah magaalada laga maqlayey dhawaaqa rasaasta dhinacyadu isweydaarsanayeen.

Madfac ku dhacay guri ku yaal xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan, ayaa sababay dhimashada ilaa 3 ruux oo isku qoys ahaa sida ay sheegeen dad tiro yar oo degaannadaas ku sugan. Wararku waxay intaa ku darayaan in dab iyo uuro fara badan ka kacday goob warshad ahayd oo ku taal agagaarka suuqa xaafadda Kaaraan, kadib markii uu ku habsaday madfac aad u weyn.

Ilaa hadda si cad looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalladaas, marka laga reebo saddexda qof ee ku nafwaayey xaafadda Jamhuuriya, iyadoo dagaalladii maalmihii u dambeeyey ay ku dhinteen in ka badan 20 qof, halka ku dhowaad 100 kalena ku dhaawacmeen.

Inkasta oo aan la ogayn khasaaraha ka dhashay dagaallada shalay barqadii dib uga qarxay qaybo ka mid ah degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid, haddana sida wararkii u dambeeyey sheegeen waxa soo baxaya faahfaahin ku saabsan in khasaaruhu aad u ballaadhan yahayy, marka baaxadda dagaalka oo labada dhinac isu adeegsanayeen hub aad u culus iyo madaafiic.

Saraakiisha gaadiidka caafimaadka ee gurmadka degdegga ah, ayaa sheegay inay goobaha lagu dagaallamay ka qaadeen dhaawacyada ilaa 20 qof oo rayid ah, kuwaasoo la geeyey cusbitaalka Madiina, sidoo kalena arkeen meydadka ilaa 5 ruux oo dagaallada ku dhintay.

Dhinaca kale, afhayeenka ururka Xisbul-Islaam Sheekh Muuse Cabdi Carraale, ayaa sheegay in dhinacooda iyo xoogaga Al Shabaab oo iskaashanayaa iska difaaceen weerar uu sheegay inay ku soo qaadeen ciidammada dawladda iyo kuwa AMISOM oo madaafiic ku kaalmeynayey, isla markaana la wareegeen dhammaan goobihii dagaalladu ka dhaceen, “Waxa ka mid ah goobaha aannu la wareegnay Jiiro Wacbuudhan, Mariinada iyo meelo kale,” ayuu yidhi afhayeenku, isagoo intaa ku daray in meydadka askarta dawladdu goobahaas daadsan yihiin, saxaafaddana ku casuumi doonaan.

Ma jiro wax ku saabsan sheegashada kooxaha islaamiyiinta ah oo ka baxay dhinaca dawladda iyo weliba warar madaxbannaan oo xaqiijinaya amma beeninaya sheegashada Xisbul-Islaam, iyadoo dagaalkuna socday ilaa xalay cawayskii.

waryatv.com

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com