Qormo Xiiso Leh Qaybaha Argagixisada Somalia By Afgaab

2010-01-15
Kooxa argagixisada ah ee ka dagaalama koonfurta iyo badhtahama Somaliya waxaaa loo qaybiyaa ugu yaraan Afar qaybood oo dhamaantood aaminsan afkaar kala duwan oo dawlado shisheeye iyo dad ajaanib ah kasoo maaxda. Hadaba waxaynu qoraalkan kooban maanta ku eegaynaa qaybaha ay u qaybsamaan iyo dalalka daaha dabadiisa ka hagaya.

Haddii aan ku horayno kooxda AL SHABAAB oo iyagu ah kooxda ugu tunka weyn argagixisada ka dagaalanta gudaha Somalia waxaa si dadban iyo si daahiraba dabada uga wada oo ay ku xidhan yihiin Ururka Al-Qaacida iyo beel weyna Bashtu ee ku dhaqan wadamada Afghanistan, Pakistan iyo qaybo kamid ah Iran.

kooxdani waxay lid ku tahay wax kasta oo nimaad dawladeed ah waxay hadh iyo habeenba heegan ugu jiraan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen talada dalka somaliya.Waxaa ka dhinac dagaalama kumanaan ajaanib ah oo kasoo firdhaday dalalkoodii. Waxay aad u qiimeeyaan asxaabtooda ajaanibka ah ee iyaga la jooga, 100 qof ee somalida muslinka ah waxay ka jecel yihiin halka qof ee ajaanib ah ee Pakistan ama Afghanistan ka yimi.

Kooxda Xisbul Islaam oo iyaduna kamid ah kooxaha ugu arxanka daran waxaa aasaasay hogaamiyaha mayalka adag ee Ina Daahir Aways oo aan aaminsanay inuu lamid yahay hogaamiyaha Shiicada ee Muqtada Al-sadar waxaana taageero hub iyo dhaqaaleba leh siiyaa M/weynaha dalka Eletria Isaias Afwerki. Qorshahooda ugu weynina waa inay dalka iyo dadka somaliyeed ka dhigaan xaabo lagu shido dalka Itoobiya.

Hasan Daahir Aways waa sxbkii hore ee Sh. Shariif Sh. Axmed M/weynaha dawlada midnimada qaran waa gudoomiyihii golaha shuuruda (parliament) ee midowgii Maxkamadaha sidaa daraadeed wuxuu aaminsan yahay in urur uu hogaamiyo mooyee aanu urur diimeed danbe cid u daba fadhiisan. Sidoo kale Horaantii sanadkan markii uu dalka yimi waxay warbaahinta Somalidu qortay in kulan uu magaalada muqdisho kula yeeshay hogaanka Al Shabaab, Axmed Godane ay isku afgaran waayeen.

Waxaa kaloo jira iyana Koox diimeedka saddexaad iyaduna iminka dhawaan hubka qaatay ee Ehlu Sunna Waljamaaca oo fadhigoodu yahay gobolada dhexe ee Mudug iyo Galgaduud kooxdani kuma cusba dhulka Soomaalida balse waxaan lagu aqoon dagaakal iyo hubka. “Dadka Somalidu waa wada Ehlu Sunne Maadaama ay Jiritaanka illaahay iyo Risaaladii Nebi Maxamed SCW labada rumaysan yihiin”

Kooxdan waxay taageero buuxda ka haystaan dawlada itoobiya kadib markay ogaatay dawlada itoobiya in kooxaha xagjirka ah ee aan xuduudka lahayne kusoo badanayaan Koonfurta Somalia waxay hubeeyeen kooxdan Ehluhu Sunna Waljamaaca si ay uga dhigaan taako ama caqabad aanay kasoo gudbin kooxahaas miidaama ah.

Waxaa Kaloo iyana Jirta koox weyd ah oo labaxay Mujaahidiinta Raaskambooni kooxdan cid ay taageero buuran ka haystaan lama garanayo sidaa daraadeed ayuu dhaq dhaqaadoodu saamayn weyn u lahayn.Mujaahidiinta Raaskambooni waxaa isku uruursaday hadhaagii Midowgii Maxkamahada oo uu hormuud ka yahay Sh. Hasan Turki. Hamigooda iyo qorshaha ugu weyn ee ay leeyihiina waa siday ku qabsan lahayeen magaalada Kismaayo ee Xarunta Shabeelada Hoose.

Dhammaan Kooxahan aan kor kusoo sheegnay waxay cadow ku yihiin nabadgelyada, Xasiloonida iyo Horumarka. Koox weliba waxay kooxaha kale ku tilmaamtaa gaalo tusaale ahaan Sh. Shariif Sh. Axmed oo ahaa gudoomiyahoodi Maxkamahada waxay aaminsan yihiin inuu lamid noqday Hasan Al Turabigii Zudan ee siduu hogaamiye diimeedka u ahaa siyaasiga isu bedelay.

Waa Qalinkii iyo Qoraalkii
Hussein Guled Howle “Afgaab”
Columbus Ohio afgaab15@hotmail.com

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com