Waxyabaha horseedi kara in ilmahaagu guul ka gaadho tacliinta
2010-01-16
Horu DhacWaalid weliba waxaa uu jecel yahay in ilmihiisu noqdo mid aad ugu fiican tacliinta.
Mar kasta oo ilmuhu guul ka gaadho waxbarashadana waxaa uu
waalidku dareemaa farxad aan lasoo koobi karin. Jidka dheer ee loo maro
tacliintu waa mid u baahan dadaal iyo dulqaad badan.

Waa mid u baahan iskaashi dhexmara waalidka iyo ilmihiisa, macalimiinta iyo guud ahaan dugsiga uu ilmuhu wax ka barto. Haddii xidhiidhkaasi noqdo mid joogto ah oo wakhti la siiyo waxaa ay u badan tahay in tacliinta ilmaha laga gaadho guul wayn .
Haddiise xidhiidhkaas la dayaco waxaa dhacaysa in ay timaado guuldaro taabata dhamaan dhinacyada aan kor ku soo sheegnay. Ilmaha waxbaranayaa waxaa uu aad ugu baahan yahay Caawimada joogtada ah iyo dhiiri gelinta uu ka helo waalidkiis. Ardaygu kolkii uu taas helo waxaa uu dareemayaa inuu hayo howl waxtar leh oo anfaceysa naftiisa, waalidkiis iyo wadankiisaba.

Haddaba sidee ayuu waalidku u kobcin karaa ilmihiisa si uu tacliinta guul uga gaadho ?
Waxbadan ayaa waalidku qaban karaa
Ugu horeyn waa inaad waalid ahaan diyaar u tahay inaad tacliinta
ilmahaaga wakhti gelisid. Waxyaabahan soo socda isku day inaad sameysid
si ilamaagu horukac u sameeyo, niyad fiicana u helo.
Warayso ilamaaga: Markii ilmuhu guriga yimaado ee
uu soo dhameeyo iskuulka, weydii kana warayso waxyaalihii uu maanta
kala soo kulmay dugsiga. Ilmaha yar-yari aad bey u jecel yihiin iney
waalidkood u sheegaan iskuulku sida uu maalintaas ahaa iyo weliba
waxyaalihii uu soo bartay. Daqiiqadahaas yar ee aad ilmahaaga
dhegeysatey waxaa ay waallid ahaan kusiineysaa warbixin muhiim ah,
ilmahana waxaa ay siineysaa kalsooni buuxda.
Ku barbaari ilmahaaga akhriska. Waa inaad ilamaha tustaa ugana
sheekeysaa muhiimada ay leedahay in wax la akhriyo. Haddii uu yahay
gurigu meel wax lagu akhriyo, waxaa ilamaha u sahlanaaneysa inuu ku
dhiirado wax akhriska. Ku barbaarinta ilamaha ee xagga akhriska waa
inaad bilowdaa wakhti hore. Taas oo loola jeedo inta ilmuhu yar yahay.
Waxa aad u muhiim ah in ilmaha la geeyo goobaha wax lagu akristo sida
maktabada (libary) iwm.Ilmuhu kolkay aad u yar-yar yihiin ee aaney weli
akhriska baran waxaa aad muhiim u ah in buugaag loo akhriyo. Taasi
waxay kobcineysaa maxkaxda ilamaha.
Daawashada tv-ga iyo ciyaaraha computerka: Waxa
aad iyo aad u haboon in ilmaha loo qorsheeyo daawashada Tv-ga iyo
ciyaaraha komputerka. Haddii ilmuhu uu aad u badsado labadaan arrimood
ee aan soo sheegnay waxaa uu ilmuhu aad uga daalayaa xagga maskaxda.
Taas oo dhalisa in ilmuhu ka caajiso ku dadaalista tacliinta
maadaama ay maskaxdiisii daalan tahay. Waxaa kaloo ay daawashada badan
ee Tv-ga iyo ciyaaraha komputeradu dhaliyaan in ilmaha ay ku yaraadaan
hal abuurka xagga maskaxda ah. Ilmuhu waxaa uu noqonayaa sidii
mashiinka oo kale, mar walbana waxaa uu sugaa in la howl geliyo. Haddii
uu waayo komputer ama tv-na waxaa uu markiiba u imanayaa waalidkiis
isaga oo weydiinaaya: Hooyo/aabe maxaan qabtaa? Waxaa i haya caajis aad
u badan iwm. Baaritaan cilmiyeed badan oo la sameeyey waxaa lagu
ogaadey ilmaha uu ku yar yahay daawashada tv-ga iney maskaxdoodu aad u
fir-fircoon tahay, ayna mar walba diyaar u tahay iney wax cusub abuurto.
Haddaba waxaa waalidka la gudboon iney ilmaha u qorsheeyaan daawashada tv-ga iyo ciyaarta komputerka.
Ilmaha oo loo sameeyo jadwal joogto ah: Ilmuhu
waa inuu leeyahay jedwal joogto ah oo uu raaco. Tusaale ahaan waa iney
ilmaha u kala baxsan yihiin wakhtiga wax akhriska, wakhtiga ciyaarta,
nasashada, wakhtiga cuntada iyo wakhtiga hurdada. Haddii uu jedwalku
isku qasmo waxaa dhaceysa in ilmuhu jahawareero isla markaasna uu garan
waayo qaabkii uu wax u wadi lahaa. Si ilmuhu ula qabsado jedwalkan waxa
uu u baahan yahay caawinaada aabaha iyo hooyada. Tusaale ahaan kolka
ilmuhu sameynaayo shaqada iskuulka looga soo diray waa in uu helaa
waxyaabaha u sahli kara inuu haowshiisa guto. Waa in ilmuhu haystaa
qalmaan kala duwan, kuwa midabka leh iyo kuwa caadiga ahba, mastarada
wax lagu cabiro, miis iyo kursi wanaagsan, nal ifiin fiican leh iwm.
Meesha ilmhu wax ku baranayaa waa iney ahaataa meel degan oo aan qaylo
lahayn. Waxaa haboon in waalidku ilmaha la joogaa kolkii uu howsha
iskuulka sameynaayo ama waa inuu meeshaas ka ag dhow yahay. Waa in
dhamaan waxyaalaha ardayga khal-khalka gelin kara laga fogeeyaa goobta
akhrisa. Waxyaalahaas waxaa ka mid ah Raadiayaha, Tv-ga, komputerka iyo
wax kasta oo ilamaha mashquulin kara.
Ugu dameynta kolkii uu ardaygu howsha iskuulka dhameeyo, waxaa haboon in waalidku eego buuga ilmaha si uu ula socdo meesha wax marayaan.
Ugu dameynta kolkii uu ardaygu howsha iskuulka dhameeyo, waxaa haboon in waalidku eego buuga ilmaha si uu ula socdo meesha wax marayaan.
Xidhiidh la sameyso iskuulka: Waxaa lagama
maarmaan ah in waalidku xidhiidh joogto ah la yeesho iskuulka ilmuhu
dhigto. Waa in waalidku tagaa iskuulka kolkii uu sanad dugsiyeedku
bilaabmo si ay isu bartaan macalimiinta iyo maamulka dugsiga. Taasi
waxay keentaa in waalidku noqdo mid laga tixgeliyo iskuulka.
Macalimiintuna waxay noqonayaan kuwo mar walba kula socodsiiya hadba
meesha ay tacliinta ilmahaagu mareyso iyo waxyaabaha loo baahan yahay
in ardayga laga Caawiyo. Waxaa haboon in waalidku ku biiro gudiyada
kala duwan ee iskuulka.
Haddii taasi aaney suurogal ahayn waxaa haboon in waalid kale oo soomaali ahi galo gudigaas si uu waalidiinta kale ee soomaaliyeed ula socodsiiyo halka ay howlaha guud ee dugsigu marayaan. Waxaa iyana muhiim ah in waalidku wiiggiiba halmar soo booqdo iskuulka ilmaha si uu indhihhiisa ugu soo arko siyaabaha kala duwan ee ilmaha wax loo baro. Waxaa loo baahan yahay in waalidku macalimiinta u sheego fikirkiisa ku wajahan habsami u socodka tacliinta ilmaha. Weydii macalimiinta maalmaha la doonaayo in lasoo celiyo shaqooyinka ilmaha loo diray (Home work).
Waxaad kaloo weydiisaa haddii ay jiraan waxyaalo kale oo dheeraad ah oo ilmahaagu u baahan yahay. Suąalaha noocaas ah waa kuwo ay macalimiintu aad u qiimeeyaan. Waxaana waalidka loo arkayaa waalid dadaal badan oo aad u halgamaaya.

Kalsoonida Carruurtaada oo la dhiso: Waa in
waalidku aad ugu dadaalaa in la dhiso kalsoonida ilmaha. Waa in ilmaha
laga ilaaliyaa wax walba oo keeni kara niyad jab. Waxyaabaha ilmaha
qalbadooda aan ka goģn, niyad jabkana ku rida waxaa ka mid ah ereyadaan
soo socda:
Waxaad tahay damiin. Waxba ma taqaanid. Maskaxda ayaad la`dahay: Hebel ayaa kaa fiican.iwm
Waxaa kaloo ilmaha niyad jebiya in ilmaha lagu ceebeeyo ilmo kale
hortooda. Waxaa haboon in ilmaha kolkii waxloo sheegaayo aan xitaa
walaalihiis hortooda loogu sheegin ee si gaar ah loogu sheego. Waxaa
waalidka laga doonayaa inuu ilmaha ka dhiso meelaha uu ku liito isaga
oo aan dhaawacaynin kalsoonida ilmaha. Haddii ay taasi kugu adkaato
iskuday inaad la kaashato macalimiinta soomaaliyeed ee arinkan khibrada
u leh. Bar ilmahaaga inuu qaado masuuliyada tacliintiisa, una muuji
inaad adigu tahay mid gargaaraya,kaalmeynaaya.Dantiisa isaga wada oo
aan waxba ka dooneyn.
Ilmuhu waxa ay jecelyihiin iney mar walba matalaan oo ku daydaan
waalidka sidaas darteed waxa waalidka laga doonayaa iney noqdaan
tusaale fiican.
Xusuusin: Qoraalkani waxaa uu ku saleysan yahay khibradayda
macalinimo. Anigoo ku dhexjirey arimaha tacliinta muddo ka badan 20
sano. Anigoo macalin kasoo noqday wadankeenii soomaaliya iyo dalalka
Reer galbeedkaba.
Qore: C/risaaq Maxamed Xuseen
habdirisak@hotmail.com
habdirisak@hotmail.com