Quruxleey way ka cadho badan tahay gabadhaha kale
Daraasad dhawaan la sameeyay ayaa sheegay in dumarka quruxda badan ay aad uga cadho badan yihiin kuwa iska caadiga ah. Isla markaana sida ay ku xaliyaan dhibaatada dumarkaa quruxda badan ay aad uga badan tahay kuwa kale.
Daraasadan oo lagu sameeyey 156 hablood oo dhigta jaamacada California University ayaa la waydiiyay xaaladoodu sida ay tahay marka ay is khilaafaan qof ama ragooda. Waxa lagu sheegay warbixintan in dumarka quruxda badan ay rumeysan yihiin ama ay isu haystaan in ay mudan yihiin in ka badan inta ay xaqa u leeyihiin. Iyagoo sheegay in ay faa’iido kala kulmaan cadhadaa oo ay inta badan arinta la isku hayaa ku dhamaato sida ay iyagu doonayaan.
Daraasadan oo quruxda ka hadlaysay ayaa sheegtay in dumarka leh timaha midabka buriga ah ka soo jiidasho badan yihiin kuwa kale ee leh midabada casaanka iyo modowga.
Dr:Aron Seal oo u waramayey BBC ayaa sheegay in aanuu baadhitaankiisa aanu arintaa timaha ku darin. Isla markaana sheegay in timuhu aanay ahayn daliil weyn oo lagu cabiri karo quruxda. Culumo kale oo ku raacsan in aan quruxda lagu qiyaasi karin oo kaliya timaha ayaa ku daray in jirka dhisani ka mid yahay qurxada kana soo jiidasho badan yahay ka isku dhexdaadsan.
Doktor ka tirsan Medicine Center Of London oo lagu magacaabo Angraid Coliyns oo ka hadlay cadhada dumraka quruxda badan ayaa sheegay in ay wax ka jiraan, oo laga yaabo in ay sababtuna tahay isla waynida quruxda badani keento. Gabdhaha quruxda badan ayaa markiiba iska cadhaysiinaysa ama aad ula murmaysa lamaanaheeda ayada oo og in ninku ka tagayn qurxdeeda owgeed. Laakiin waa in baadhitaan badan la sameeyo ayuu hadalka ku soo gaba gabeeyay.
Maxaa ka jira in gabadha quruxda badani ka cadho badan tahay gabadha caadiga ah!
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga (comment).
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

