Riyaale oo dawlada maraykanka ku tilmaamay cadowga Somaliland, shir jaraa’id
Source: Golisnews.com
2010-01-20
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Daahir Riyaale Kaahin ayaa shir jaraa’id oo uu Shalay ku qabtay
xafiiskiisa qasriga madaxtooyadda wuxuu si ba’an ugu weeraray, dawlda
maraykanka oo uu ku sifeeyey cadawga somaliland oo aan mudnayn in la
gacan qaado iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo oo uu ku
tilmaamay nin Federaal aaminsana balse ay shacabka Somaliland ka
diideen.
Riyaale oo beryahan ka cadhaysnaa sidii warbaahintu u qaadaadhigtay
Booqashada Taariikhiga ah ee Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ku tegay
maraykanka iyo sida Dadka Reer somaliland u soo dhoweeyeen oo ay u
weheliso , kalsooni daro uu ka qaaday shacabkii somaliland oo beryahan
xukuumadiisa dhabarka u jeediyey sababo badan dartood.
Madaxweyne Rayaale wuxuu sidoo kale iska fogeeyey inay
xukuumadiisu gacanta kula jirto khilaafka golaha guurtida wuxuuna ku
tilmaamay mid aanay waxba ka jirin isagoo dhinaca kalana usoo jeediyey
shir guddoonka golaha guurtidu inay isku yimaadan oo heshiisiiyaan
mudanayaasha kale.
Madaxweyne Rayaale oo wajigiisa cadho badani ka muuqatay marka uu
shirkani jaraa’id akhrinaayey ayaa wuxuu sidoo kale iska fogeeyey
eedaymaha la xidhiidhinaaya xukuumadiisu inay ka danbaysay falalka lagu
tuhmaayey argagixisada ee todobaadyadii ugu danbeeyey ka dhacaayey
dalka isla markaana wuxuu ka hadlay dilalkii ka dhacay magaalada
Laascanood ee gobolka Sool.
ugu horayn Madaxweyne Rayaale wuxuu ka hadlay nabadgelyada
Somaliland “waxaa meelaha lagaga sheekeeya xukuumadda ka danbaysay
qaraxyadii Somaliland ka dhacay, wixii xunba xaawa leh, waar xukuumaddu
siday uga danbaysay, waxaan leeyahay xukuumaddu inay ka hortagto oo
baadho mooyaane halkay usoo martay, waa waxaanan qaadan karin taasi,
waxaananu u aragna inaanay ahayn xukuumad nacayb eh ay hadda noqotay
qarran burburin” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.
Madaxweynaha Rayaale wuxuu sidoo kale ka hadlay khilaafka golaha
guurtida Somaliland isagoo iska fogeeyey inay xukuumadiisu wax gacan ah
ku leedahay “xukuumadda ka danbaysa ayaa leeyahay wax kasta haddii xita
laba digaag ahi suuqa isku qabsadaan, waar xukuumaddu wax alla waxay ka
danbaysa ma jirto, xukuumaddu waxay rabta inuu dalkani nabad ahaado,
gole kastaana inuu si sharciya hawshiisa u guto, guurtidana fara gelina
kuma hayno, baaqan u jeedinayaana waxaa weeyi shir guddoonku horta inay
isku yimaadaan golahoodana heshiisiyaan intaasi oo qudha ayaa loo
baahanyahay, suuqa inta la wareego inaan waxaan loo baahnayna laga
sheego maahin, wax dhaqanka ku jirana maahin” ayuu yidhi Madaxweyne
Rayaale.
Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin isagoo ka hadlaya
eedaynta ay xisbiyada mucaaridku ku eedeeyaan xukuumadiisa inaanay
doorashada diyaar u ahayn wuxuu yidhi “nimanka mucaaridka ah waxaan
maqla iyagoo meelaha ka leh doorashadii ayey xukuumaddu hortaagantahay,
waar miyaan wax la isku fallayn, sawtii dhamaatay ee aynu heshiis wada
gallay ee aynu gacmaha isku qaadnay, wax alla iyo waxaanu hortaaganahay
ma jirto, koomiishan ayaa loo saaray iyaga kaw ahaa kuwii shallay lahaa
koomiishanka ha la bedelo toodii ayaanu u raacnay maantana waxay
tororogta la hayaan waa hadalo aan qiimo siyaasadeed oo ay ku fadhiyin
jirin, waar xaggay xukuumaddu doorashada ku hortaagantahay, yaan
ummadda la jahawareerin, ninka dalkani doonaya inuu madaxweyne ka
noqdow waddo loo soo maro ayey leedahay” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.
Madaxweyne Rayaale wuxuu si badheedh ah ugu eedeeyey Guddoomiyaha
xisbiga Kulmiye inuu yahay nin aaminsan federaalnimada isla
markaana uu ka soo horjeedo qaddiyada madax banaanida Somaliland isagoo
taasi ka hadlayana wuxuu yidhi “anigu markaan dalka dibadiisu u baxo
dadka reer Somaliland ee aan la kulmo waxaan u sheega inay midoobaan,
nimanka mucaaridka horkacaya ee uu Axmed Siilaanyo ka mid yahay waad
arkaysaan sida ay dadkii u kala qaybinayaan, weliba niman aan dadlkani
jeclayn oo Somaliland ku riixaayey inay federaalnimo la gasho
Soomaaliya ayuu Siilaanyo maraykan kula kulmay, dhawaan mar aan
dhegaysanaayeyna wuxuu afkiisa ka qirtay inuu ka mid ahaa raggii
federaalnimada aaminsana ee ku taami jiray balse shacabka Somaliland ay
hor istaageen oo meel uu u dhaafo waayey, Axmedow waxaan ku leeyahay
dalkani kuugu dooran maayo madaxweyne inaad cadawgooda gacan qaado,
wixii aad ku riyoon jirtayna aad niyadaada ku hayso” ayuu yidhi
Madaxweyne Rayaale.
Madaxweynaha oo ay cadho badan ka muuqatay wajigiisa wuxuu si ba’an
u weeraray warbaahinta madaxa banaan gaar ahaana wergeysyada ka soo
baxa caasimadda Hargeysa isagoo sheegay inu gebi ahaanba joojiyey
akhriskii wergeysyada “waxaan u sheegaya nimanka wergeysyada qora inaan
joojiyey akhriskiinii, waxaan cay iyo aflagaado iyo si xun wax u sheeg
ahayn oo ay qoraan ma jirto, ma akhriyo mana akhriyo doono” ayuu yidhi
Madaxweyne Rayaale.
Madaxweynaha ayaa gebo gebadii shirkiisani jaraa’id oo ay hareero
taagnayeen wasiiradiisa madaxtooyada iyo arrimaha gudahu wuxuu ka
dhaqaaqay goobtii uu shirka jaraa’id ku qabanaayey isagoo gebi ahaanba
diiday in wax su’aal ah la weydiiyo “wax su’aal ah oo aan ka jawaabayo
ma jirto” ayuu yidhi Rayaale isagoo dhinaca xafiiskiisa usii socda.
Shirkani jaraa’id ee Madaxweyne Rayaale ayaa ahaa kii uu ugu cadho
badna isagoo mararka qaarkoodna hadaladu ay kaga dhex qasmayeen cadhada
haysay awgeed, wuxuu si ba’an u weeraray warbaahinta, guddoomiyaha
xisbiga Kulmiye iyo kooxo uu ku tilmaamay inay yahiin qaswadayaal.
Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)