Ma ogtahay dhibaatada dawooyinka la isku cadeeyo
Markasta oo jahligu bato waxaa ka
dhasha dhibaatooyin raadad xuxun ku reeba qofka bani’aadamka ah, ha
ahaato mustaqbalka noloshiisa, caafimaadkiisa iyo dhaqaalihiisaba.
qofkuna kama maarmo aqoonta diiniga ah iyo maadigaba marka aad eegto
dunidu maanta halka ay marayso.
Waxaa jira waxyaabo badan oo ku
cusub dhaqanka suuban ee somalidu lahaan jirtay barigii hore, iyada oo
aad loo ilaalin jiray ceebna ay ku ahayd qofka Somaliga ah inuu
dhaqankiisa badalo, Tusaale ahaan maanta hadii qof ka mid ah bulshada
somalida ee meel wada degta uu sameeyo wax ku cusub dhaqanka somalida
ha xumaado ama ha wanaagsanaado waa lagaga dayanayaa, waxaanad arkaysaa
barri ka maalin hadii hebel surwaalka jilbaha ka rido in laga wada
ridayo, hadii mid ka mid ah habalaha somaliyeed ay wax ismariso qaar
badan kaga dayanayaan waxaasi ay isticmaashay iyada oo aan loo eegay
dhib iyo dheef waxa uu ugaysan karo.
Hadii aan udaadago dulucda
mawduucayga waxaa igu kalifay maanta inaan qalinka uqaato si aan wax
uga qoro dhibaatada dawada la isku cadeeyaa ku hayso hablaha somaliyeed
oo aan udkaysan waayay inaan ka aamuso. Hadaba waxaa iswaydiin leh waa
maxay dawada ay dumarka somalidu isku cadeeyaan?
Dawooyinka dumarku isku cadeeyaan
waxaa ka mid ah daawooyin loogu talo galay in lagu daaweeyo elerjiga
iyo cCaabuqa naburada, qaar kalena ay ku yihiinba khatar jidhka qofka
isticmaalaya, waxaa ka mid ah Daawooyinkaasi:
Sheerli
Diyana
Roose
Moofeed
farableen
Biliij
Riikoo
Top sheerli
Ritaana
Silfaana
Betnoofaad
Riikoo dhiiqo
Suber Rose
Riyo
Iyo qaar kale oo farabada oo lagu
isticmaalo meelaha ay somalidu degto oo aanan kusoo koobi karin
magacyadooda halkan loona istimaalo qaybaha kala duwan ee idhka, gaaar
ahaana wajiga, gacmaha, lugaha, qoorta, iyo qaar la mariyo jidhka oo
dhan. Waxa intaasi dheer bacaha lagu xidho gacmaha, lugaha, iyo qaar
lagu seexdo habeenkii oo loo gashado sida dharka oo kale.
Badanaa Dawooyinkani waxay khatar ku
yihiin oo ay dhibaatooyin laxaadle u gaystaan caafimaadka qofka
ismariya waxaana ka dhalan kara cudduro hor leh, tusaale ahaan:-
waxa ay Dilaan unugyada difaaca maqaarka.
Waxa ay raadad xunxun ku reebaan maqaarka qofka isticmaala.
Waxa uu unuglaadaa qofka istimaalaa inuu ku dhaco kansarka maqaarka.
Waxaa dhibaato ugaystaa aragtida indhaha ee qofka isticmaala.
Waxa aan hore ubogsan naburada ku dhaca jidhka qofka ismariya dawooyinkani.
Waxaa ku sameeyaa maqaarka cuncun badan iyo xasaasiyad.
Waxa uu ka soo saaraa jidhka qofka ismariya xaad farabadan iyo diirka oo ka qubta qofkaasi.
Waxaa uu cimri degdeg ku keenaa maqaarka.
Waxa uu dibada usoo saaraa xadidada dhiiga qaada.
Waxa ay ku abuuraan maqaarka qofka ismariya, canbaar, iyo finan farabadan.
Waxaa kale oo ay dhibaato Dhaqaale
ku haysaa qofka istimaala oo hadh iyo habeen ay u noqotay balwad joogta
ah, oo aanu qofku marnaba ka maarmi Karin, iyada oo taasi ay
udheertahay dumarka in ay biilkooda ka mid tahay dawada la isku
cadaynayaa oo dhawrkii maalmoodba La dhexraacinayo.
Hadaba maxaa ababay in dumarka söömaliyeed ugu isticmaal bataan dawooyinka khatarta ku Ah jidhkooda?
Badanaa waxa ay tusaale gaaban iyo
jawaab ka dhigtaan dumarka soomaliyeed marka aad waydiiso, in qofka
madaw aan la tixgalin, dhinaca guurka oo ay ka nasiib badantahay inanta
cad, oo ay somalida wakhtigani aaminsanyihiin quruxda ugu mudani inay
tahay cadaanka.
Raga ayaa ku beer laxawsada dumarka
midabka madow leh badanaa iyaga oo ku dheeldheelaya midabka dahabiga ah
ee Ilaahay ku manaystay ama quudhsanaya gabadha madaw, “Doqon iyo
habeenbaa madaw ee is cadee”.
Taasi ay si qaldan ufasirtaan
micnaha maahmaada oo looga jeeday gabadh basari ah oo loogu maahmaahay
iyada oo gurigeeda dabku ka bakhtiisanyahay oo uu madaw yahay, waxaanay
hal hays u noqotay hablaha is cadeeya oo faan ka dhigtay baryahan danbe
“Doqon iyo habeen baa madaw”.
Dumarku badanaa waa kii nabi
Maxumada Xadiis laga soo wariyay uu lahaa “waa naaqisaatu caqli wa
diin”. way jiraan dumar badan oo dhaqanka iyo diinteena suuban ku
dhaqma oo ka dheeraada wixii dhibaato ukeeni kara diintooda,
dhaqankood, naftoobada iyo dhaqaalahooda.
Waxyaabaha ugu waawayn ee loo
aanayn karo dhibtaasi waxaa ka mid ah aqoon la’aanta oo ku badan uomada
somaliyeed, hadday noqoto xaga diinta iyo cilmiga kale ee maadiga ah.
Qofka bani’aadamka ahna aqoontu way toosisaa, wayna nuurisaa, dariiqa
Saxda ahna badanaa kama baydho.
Qodobka labaad ee loo aanayn karo
waxaa weeyi raga intiisa badan oo aan si uwada tixgalin dmarka madow
iyo dumarka cadaanka ah, iyada oo quruxdiiba baryahan danbe noqotay
midabka cadaanka ah, oo aan loo eegay tusaalihii uu nabigeenu inaga
siiyay waxyaabaha gabadha muslimada ah lagu dooranayo.
Talo soo jeedin:
Waxaan talo iyo waano usoo
jeedinayaa hooyooyinka somaliyeed meelkasta oo ay joogaan, way ogyihiin
hablohoodu dhibta ay faraha kula jiraan, aakhiro-na waa lagala
Xisaabtami doonaa hadii ay ku gargaaraan dhibkaasi ubadkooda. Runtii
hooyo waliba way ka war haysaa Inanteeda iyo waxa ay isticmaalayso,
markaa yaan la fudaydsan ayaan odhonlahaa dhibaatadaasi maalin walba ku
faafaysa dumarkeena.
Ta labaad waxaan usoo jeedin lahaa
dumarka somaliyeed aqoonta diiniga ah oo qofku bartaa naftiisa ayay
anfacaysaa, dariiqa saxda ahna way ku hanuuniyasaa, In lagu dhaqmo ayaa
muhiim ah.
Ta seddexaad xukuumada masuuliyad
wayn ayaa ka saran daawooyinka dhibaatada badan ukeenaya dumarka
domaliyeed oo iyaga oo ka warhaya dekadaha laga soo dajinayo,
Dukaamadana camiranyihiin, cid wax ka qabanaysaana aanay jirin.
Guntii iyo gabagabadii waxaan hadal
ku soo ururin lahaa gurmad ayaa looga baahanyahay cid kasta oo ay
masuuliyadi ka saarantahay, haday noqoto waalidka, xukuumada iyo
aqoonyahankaba.
Dumarka isticmaala dawooyinkaasi aan
kor ku soo xusayna midbaan odhon lahaa: Hibo Eebe ku siiyay habeen la
iskama qaadee ha saluugin muuqaaga!
Illaahay Dariiqa Saxda ah ha ina waafajiyo.
Nimco Muxumed Ibraahin
Adiguna waad ka dhiiban kartaa rayigaaga.
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga (comment).
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

