Gadhka Oo Casri Ka noqday Hollywood

2010-01-21

Axadii ayaa la qabtay Golden Globe- waxaana isugu yimid caan badan oo aduunweynaha aad looga tixgaliyo islamarkaasna ah dadka maanta lagu daydo siday u labistaan ilaa siday u hadlaan .

Waxaa aduunka oo dhan mucjiso ku noqday gadhkii oo casri ka noqday USA gaar ahaan holywood oo ah meesha ay degdenyiin dad gaari oo badana laga hadlo nolosha ay ku noolyiin.

markii Golden Globe la furay ayaa waxaa soo buuxdhaafshay carbatka cas ee badana loo dhigo dadka gaarka ah in uu ugu soo horeeyey George Clooney isago waliba dhoola cadaynaya oo faraxsan gadhkiina sii daystay , waxaa ku xigay rag badan oo caana oo iyaguna la baxay gadhka.

Aduunkii muslinka gadhkii waa laga baqanayaa oo waxaa soo baxay dad shaqo ka dhigtay oo caydhsada ama ku raad jooga dadka diintooda darteed ula baxay gadh , hadaba akhriste maxaad u malaynaysaa in ay sabab u tahay arinkan isweydaarsiga ah.

Ka dhiibo fikirkaaga hoosta
Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com