Gudoomiyaha Xisbiga UCID, inj. Feysal Cali Waraabe oo la kulmay Jaaliyadda Somaliland ee Stockholm

2010-01-31

Shir ballaadhan, oo si heer sare ah loo soo qabanqaabiyay, ayaa ka dhacay magaalada Stockholm, kaasi oo uu ka soo qeybgalay Gudoomiyaha Xisbiga UCID, inj. Feysal Cali Waraabe. Shirka oo ay soo abaabushay Laanta Xisbiga ee UCID ee Sweden, dadweyne aad u tiro badanna ay ka soo qeybgaleen.

Waxa halkaas hadal isugu jira soo dhaweyn iyo mahadnaq ka jeediyay Xoghayaha laanta UCID ee Sweden, Mudne Axmed Cabdillahi Cawaale, oo si gaar ah ugu mahadnaqay dadweynaha, kana dhaadhiciyay in dimuquraadiyaddu ay tahay, wax ay ku tartamayaan xisbiyada Qaran, oo haba yaraatee, lahayn naxli iyo turxaan midna, loona baahan yahay in dadweynaha Soomaliland u fahmaan, qeyb laxaad lehna ka qaataan kobcinta iyo horumarinta Xisbiyada Qaran.

Waxa isagana hadalkii lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha Laanta UCID ee Sweden, Mudane Cali Ducaale Xasan, oo si faahfaahsan uga hadlay, wax qabadka laanta UCID ee Sweden ay kaga jirta xisbiga hawlihiisa iyo horumarinta wadanka Somaliland. Waxa uu Cali Ducaale ku nuuxnuuxsaday in Xisbiga UCID, uu yahay isbedel doon horseed u ah bushada Somalilad, haddii uu ku guuleysto doorashada fooda inagu soo haysana ay hayaan qorshe cad oo lagu hagayo Wadanka. Cali Ducaale, waxaa uu dadweynnihii ka soo qeybgalay ku baraarujiyay inay si qoto dheer u dhuuxaan barnaamijka wax qabadka Xisbiga UCID, oo aanu ku faafinay dhammaan qalabka warbaahinta gudo iyo dibedba.


Waxaa shirka ka soo qeybgalay Wakiilka Somaliland ee Sweden, Mudane Caydaruus sheekh Adan, oo soo dhaweyn u soo jeediyay gudoomiyaha xisbiga UCID, mudane Feysal Cali Waraabe. Mudane Caydaruus Sheekh Adan, waxaa uu tilmaamay in Madaxda qaranka somaliland dhammaan lagu soo dhaweeyo wadanka Sweden, taasina ay sharaf u tahay dadweynaha Somaliland ee ku dhaqan wadanka Sweden, oo laf dhabar ka ah horumarka  Somaliland.

Wakiilku waxa uu sheegay in Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillahi ”Cirro” uu bookhasho rasmi ah ku iman doono Sweden bisha feberweri labadeed .

Intaas kadib, waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID, Inj. Feysal Cali Waraabe. Waxaa mar keli ah isla oogsaday sacab iyo sawaxan aan kala go’  oo qadar hakiyay hadalkii uu u  bixi lahaa.

Gudoomiyuhu waxa uu halkaas ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga xaal waramay dhinacyo kala duwan, oo ku saabsan xaaladda dalka Somaliland iyo marxaladdaha uu hadda ku sugan yahay.

Waxaa uu si faahfaahsan u soo bandhigay barnaamijka xisbiga UCID uu ku hagi doono dalka, haddii uu dalka taladiisa ku guuleysto. Kaas oo mudooyinkan dambe oo dhanba lagu faafiyo warbaahinta kala gedisan.

Mudane Feysal Cali Waraabe, waxaa uu tilmaamay in dalku u baahan yahay isbedel  waxtar leh oo dhakhso ah, haddii la doonayo in rajada muwaadintiina loo soo celiyo, haddii kale, hadda waxaa tahriiba dhalinyaradiiye, waxaa dhici doonta in habruhu ay bilaabaan inay soo tahriibaan.

Waxaa uu Feysal Cali Waraabe, ka hadlay in musuq maasaqu uu dhaafay heer loo dulqaadan karo, sidaas awgeed, waxaa uu ballan qaaday in xisbiga UCID, haddii uu ku guuleysto hogaanka dalka inay dabar tiri doonaan.

Shirka waxaa lagu soo gabagabeeyay su’aallo gudoomiyaha la weydiiyay iyo jawi fiican.

 

Waxa gudoomiyaha iyo weftigiisa casho sharaf u sameeyay Ganacsade Saalax Madal oo reer Stockholm ah.

Dhageyso Wareysi Aanu La Yeelanay Gudoomiyaha Hadaba halkan ka dhegayso

WaryaTv.Com Stockholm

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com