Dadka Miisaankoodu Culusyey oo ay soo foodsaartay sicir-barar dhanka diyaarada ah.

2010-02-04

Saxaafada Faransiiska ayaa soo tabisay in Shirkada Air France ay Lacag dheeraad ah ka qaadayso dadka buur buuran ee Miisaankoodu culus yahay.


Shirkada Air France ayaa beenisay Wararka saxaafadu tabinayso ee sheegaya inay lacag dheeraad ah ku khasbi doonto inay bixiyaan dadka buur buuran balse taa badalkeeda waxay shirkadu qirtay inuu jiro qorshe kale oo qofka Buuran lagu siinayo fursad uu ku raaxayso oo kursi dheeraad ah iibsado isagoo lacag dheeraad ahna bixinaya iyadoo lacagtooda dheeraadka ah loo celin doono hadaanay Diyaarada raacin.

War qoraal ah oo Shirkadu soo saartay ayey ku sheegtay inaanay marnaba ku khasbi doonin Dadka Miisaankoodu culus yahay ee Buurbuuran inay lacag dheeraad ah bixiyaan iyagoo kursi kale iibsanaya.

Waryatv.com

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com