Milatariga Bur-jeex oo Rasaas Ooda Kaga Qaaday Dad Rayid ah

Source: Reported By Ibraahim Abdirahman Qaasim
2010-02-04

 

Hargeysa (Waryatv.com), Ciidanka booliska oo garab ka helay kuwa milatariga ayaa shalay galinkii danbe rasaas ooda kaga qaaday dad la sheegay in ay dhisanayeen jago banaan oo ku taala xaafada laynka milatariga ee nawaaxiga bir-jeex.

Ciidanka ayaan haba yaraatee sida ay sheegayan wararka hada naga soo gaadhaya xaafada line-ka milatarigu waxba ula hadhin dadkii rayidka ahee ee isku dayey in ay dhistaan jagadaasi banaan.

Goobta uu ka dhacay iska hor-imaadku ayaa ahayd afaafka hore ee beerta Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye, waxa kale oo ay intaasi  ku darayaan wararka hada na soo gaadhayaa in aanay halkaasi maalinti shalay ahad ka dhicin khasaare la taaban karo.

Si kastaba ha ahaatee rasaasta ay fureen ciidanka milatarigu ayaa ahayd mid laga maqlaayey goobo ka baxan xaafada line-ka milatariga.

Dadweynaha ku nool xaafada Line-ka milatariga iyo nawaaxigeed ayaa amakaaga iyo an-fariir ka qaaday dhawaqa rastaata.

Ilaa hada ma jiraan warar sheegay inay laba qoys isku haysteen goobta dhiska laga waday iyo in ciidanku damceen sidii ay ula wareegi lahaayeen goobta.

 

Xafiiska wararka ee Waryatv

Hargeysa/Somaliland

Reported by Ibraahim Abdirahman Qaasim

(Qaasim)

ibrahimqasim@waryatv.com



 

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com