Wasiirka Arrimaha Dibada Ee Dalka Sudan Oo Ka Dhawaajiyey Arrimo Ka Dhana Ictiraafka Somaliland
Addis Ababa
(Waryatv.com), Wasiirka arrimaha dibada ee dalka sudan ayaa shaaca ka qaaday in
aqoonsiga Somaliland uu ku xidhan yahay xalka somaliya iyo deganaansho ay hesho
xukumada Sh shariif Sh Axmed.
Wasiirka ayaa sheegay
mar uu xarunta midawga Africa ku sugnaa in rabitaanka shacabka Somaliland uu ka
jawaabo aqaansi ka yimaada dhanka beesha caalamka.
Md Deng waxaa u si
weyn u if-tiimiyey in Somaliland gabi ahaanba ay ka jeestay beesha caalamku,
isla markaana ay diirada saareen sidii loo qaboonji lahaa dabka ka hol-caaya Somaliya.
Mar uu ka hadlaayey
sida caalamku uga jeestay Somaliland waxa uu yidhi
“Hargeysa
(Somaliland) waxaa ka jira nabad galyo iyo xasilooni, sidaas oo kalena waa laga
yeeli karaa muqdisho, muqdisho dhibka ka taagani wuxuu saameeyey guud ahaan
amaanka gobolka, sidoo dabka loo qaboojin lahaa hada ayaa talaabo laga qaadayaa
go’aana laga soo saarayaa, taas ayey Somaliland dani ugu jirtaa”
Md Deng mar uu si
gaara xaalada Somaliland iyo sababaha midawga Afriki ay uga dhaga adaydan
aqoonsiga Somaliland ayaa waxaa uu yidhi
“ Midawga Africa iyo
guud ahaan qaarada waxaa lagu maamulaa xerkii u yaala midawga Africa, hase
ahaatee dadaka, midawaga Africa iyo beesha caalamka marna kama maqna dareenka Somaliland”
Wasiirka arrimaha dibada
ee dalka Sudan waxa uu si weyn Somaliland ugu amaanay sidii ay ula dagaaleem
maamulkii bilaa siyaasada ahaa ee soo maray iyo xasiloonida ay ku talaabsatay
tan iyo jiritaankeedii.
Ugu danbayntii
wasiirka ayaa si weyn ugu adkaystay in aqaansiga Somaliland uu ku jiro sida ay
habda ula shaqayeen maamulada kale ee ka jira geeska, sida somaliya oo kale,
waxaanu sheegay in xalka aqoonsiga Somaliland ku xidhan yahay wada hadal dhex
mara somaliya iyo Somaliland oo ku saabsan dhanka aqoonsiga beesha caalamka.
Xafiiska wararka ee
Waryatv
Hargeysa/Somaliland
Reported by Ibraahim
Abdirahman Qaasim
(Qaasim)
ibrahimqasim@waryatv.com









