Qaraxyada Laascaanood iyo Dareenka Saska Leh Ee Xukumada Riyaae laga Muujiyey

Source: Reported By Ibraahim Abdirahman Qaasim
2010-02-04
Hargeysa (Waryatv.com), Warar rasmi oo ka soo baxay qaraxii xalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka sool ayaa sheegay in qaraxaasi uu ka naf waayey hal qof oo si weyn looga shaki qabo in uu yahay qofkii fuliyey qaraxa iyo qof kale oo isna ku dhaawacmay goobta uu ka dhacay qaraxu.

Goobta uu ka dhacay qaraxu ayaa ahayd nawaaxiga Hotel Xamdi oo ku yaala jidka wadnaha ee dhex mara magalaada laascaanood, Hotel-ka ayaa xiligaasi waxaa ku sugnaa xubno wasiiro ah oo ka mida golaha wasiirada xukumada madaxweyne Riyaale Kaahin, gaar ahaana wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, wasiirka ayaan ilaa hada ka hadal qaraxaasi

Tan iyo markii xilka laga weerjiyey gudoomiyihii gobolka Sool Cali Sandule ayaa waxa isa soo taraayey qaraxyada lala beegsanaayo masuuliyinta u dhashay gobolka iyo guud ahaan Somaliland ee ku sugan xandaybka laascaanood.

Dhamaadii bishii la soo dhaafay ayey ahayd markii gudoomiyaha gobolka sool uu dirqi kaga bad-baaday dil qorshaysan oo lala maaganaa.

Si kastaba ha ahaatee shacabka Somaliland ee ku sugan dalka dudihiisa iyo dibadiisa ayaa dareeno sas-leh ka bixiyey falalka amaan daro ee ka soo cusboonaaday magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Shacabka ayaa xukumada madaxwenaha Somaliland uu hogaamiyo ku eedeyey wax-ka qabasho la’aanta ilaa hada saraakiishi lagu dilay laascaanood, sidoo kale waxaa jira warar ka soo baxay dhanka milatariga oo sheegay in madaxweynaha ay aad ugu kacsan yihiin.

Isku soo wada duuduubo xukumada Somaliland ayaan haba yaraatee ilaa hada faah faahin rasmi ah ka soo saarin baadhisdta dilalkii loo gaystay taliyihii qaybta 12-aad iyo talihihii booliska gobolka Sool halka ay ku danbeeyeen ilaa hada.

 

 

Xafiiska wararka ee Waryatv

Hargeysa/Somaliland

Reported by Ibraahim Abdirahman Qaasim

(Qaasim)

ibrahimqasim@waryatv.com

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com