Guurtida Oo kulan Cafis iyo Laab-xaadhsho ah Madal Il-yartu Is Qabtay Isku Soo Hor Fadhiistay
Hargeysa (Waryatv.com), Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida Somaliland Sh Axmed Sh Nuux Fureh yaa maanta waxa uu qado casuumada u sameeyey mudanayaasha golaha guurtida, taas oo uu sheegay in uu uga dan-lahaa inay mudanayaasha iyo shirgudoonkuba isku samaaxaan isla markaana ay is cafiyaan.

Xafladii qado
sharafta ee maanta oo lagu qabtay hotel Xaraf ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaa
ka soo qayb galay gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, Gudoomiye
ku xigeena koowaad ee golaha Sh Axmed Sh Nuux Fureh oo ahaa masuulka fidiyey
qado sharafta ay isugu yimaadeen dhamaan mudanayaasha golaha guurtida iyo
shaqaalahooduba, Gudoomiye ku xigeenka labaad ee guuritda Siciid Jaamac Cali
iyo xoghayaha guud Cabdilaahi Dheere.
Qado sharaftaas kadib waxaa hadal yar oo
kooban soo jeediyey Gudoomiye ku xigeenka koowaad Sh Axmed oo sheegay in uu casuumadan qadada
ah uga dan-lahaa inay umadu aragto golihii guurtida oo miis kaliya wax ku wada
cunaya, isaga oo arintaas ka hadlayana waxa uu yidhi
“Hadal badani maanta
ma jiro ee waxaanu golaha isugu yeedhanay waa tii baryahanba dadku inagu
sheekaysanayey ee ha-la-yidhaahdo maanta nimankii wax-bay wada cunayaan oo
nimanku sidii aynu moodaynayba maaha ujeedaduna sidaas ayey ahayd, goluhuna ha
isa saamaxo, wixii hawl ah waxaynu ku dhamaysan doonaa golaheenii”.
Intaasi kadib waxaa
isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud
Aadan, waxaanu u mahad naq balaadhan u jeediyey gudoomiye ku xigeenkiisa, kaas
oo uu sheegay in illaahay ka abaal mariyo casuumada uu u fidiyey mudaayaasha
golaha guurtida, waxaan uu yidhi
“Guddoomiye hadli-maayo
oo maanta waxaa iska leh Guddoomiye ku xigeenka sidaas uu sheegayna hadii uu
yidhi malaha waxaad ilawdeen inaynu isku sumad iyo isku codnahay waad ilawdeen,
wixii hawla-heena kale ahna waxaynu ku naaqishi doonaa golaheenii, waanu mahad
sanyahay Guddoomiye ku xigeenku hadiiba uu calool wax galiyey”.
Waxaa iyaguna casumadaasi
hadlo duco iyo saamaxaad isugu jirta ka soo jeediyey Xildhibaan Cabdilaahi
Ibraahim Xirsi (Dhugad) oo ahaa Guddoomiyihii hore ee guddiga joogtada ah, isla
markaana uu khilaafa weyni ka dhashay wax-ka badalkii lagu sameeyey iyo Xaaji
Cabdikarin Xuseen (Cabdi Waraabe), oo isna halkaasi hadalo duco ah ka soo
jeediyey kuna soo khatimay.
Tan iyo intii uu
khilaafka weyni soo dhex galay golaha guurtida waa markii koowaad ee ay isugu
yimaadaan kulan balaadhan oo ay ujeedadiisu tahay inay isku saamaxaan isla markaaa
wixii khilaaf ah ay halkaas ku dhamaadaan, taas oo ay sheegeen inay uga
gudbayaan hawlihii qaranka ee loo igmaday.
Xafiiska wararka ee
Waryatv
Hargeysa/Somaliland
Reported by Abdiqani
Abdilahi Ahmed
(Asporo)
Asporo4live@hotmail.com
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

