Masar oo Sheegtay In Israel ay Iran Ka soo Weerarayo Dhinaca Khaliijka iyo Waqooyiga Ciraaq
WARYA TV- Ilowareedyo laga soo xigtay ciidamada dawladda Masar ayaa shaaca ka qaaday in Israel ay damacsantahay inay dalka Iran ka soo weerarto dhinaca Khaliijka iyo waqooyiga Ciraaq.
Ilowareedyadaas milatari ee Masaarida ayaa xaqiijiyey in Yuhuudda iyo Maraykanka oo is-gaashanbuuraysanayaa ay toddobaadyadan dambe dhex gooshayeen biyaha Khaliijka iyo qooriga biyaha Iran iyagoo ay isu diyaar garaynayaan ciidamdooda baddu iyo kuwa hawl gallada khaaska inay hujuumaan goobaha nukliyarka ee Iran.
Waxa kale oo ay ilo wareedyadaasi intaas ku dareen in sraakiisha sarsare oo ka tirsan ciidamda sirdoonka ee Yuhuuddu ay soo gebogebeeyeen dariiqyadii ay mari lahaayeen dayuuradoohoodu iyagoo la kaashanaya dawladda Maraykanka oo xidhiidh fiican la leh waddamada Khaliijka sidii Yuhuuddu ay halkaa ugaga duuli lahayd si qarsoodi ah.
Dawladda Sucuudiga ayaa ka codsatay dawladda Maraykanka inay caddeeyaan gacansiinta Maraykanku sida qarsoodiga ah u siinayo Yuhuudda ee ay isu diyaar garaynayso inay weerarto waddanka Iran, waxayna dawladda Maraykanka weydiiyeen sababta loola socodsiin waaayay Sacuudiga iyo dawladaha khaliijka.
Dawladda Sacuudiga ayaa ku wargelisay dawladda Maraykanka in hay’adaha sirdoonka ee Khaliijku iyo unugyo ka tirsan ciidamadda badduba ay ogaadeen dhaqdhaqaaq milatari oo ay waddo dawladda Israel isla mar ahaantaana caddeymo ay hayaan.
Wargeyska Shuruuq ayaa maalintii Arbacadii shaaciyey warkan, wargeyskaas oo ah mid ay aad u akhristaan sirdoonka dawladda Masar. Wargeyskani wuxuu ahaa wargeyskii ugu horreeyey ee shaaca ka qaada in ciidamada cirka ee Israel ay duqeeyeen baabuur kolonyo ah oo hub siday lagan lahaa waddanka Iran oo Suudaan maraysay horraantii sannadka 2009.
.
WARYA TV









